U bood dhigaalka

Qeybdiid “Waan Ka Xunnahay In Maraykanka Ku Adkeysanayo Weli Shabaaab Baan Dilnay”

Sheeko:Dalka

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in dowladda Maraykanka ay weli ku adkeysato in ciidankii Galmudug ee ay ku dishay deegaanka Jeexdin ay yihiin kuwo Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay in Maraykanka uu ku celcelinayo in ciidankaasi ay ahaayeen Al-shabaab, xilli uu tilmaamay in shacabka Galmudug iyo mas’uuliyiintooda muujinayaan in si gardarro ah loo dilay ciidankaasi.

“Waxaan aad uga xunnahay annaga oo weli baroordiiq u taagan iney markii Saddexaad Maraykanka ku celceliyeen Shabaab baan dilnay, war caqli xumada noocaasi ah bal arka, dagaal ma rabno, nabad baan rabnaa, deriskeenna nabad baan u rabnaa, Maraykanka oo aan ka sugeynay in dalkaan gacan qabto, oo amniga iyo dib u dhiska ka qeybqaato, lagama sugeyn iney sameeyaan wixii ka dhacay Jeexdin, kuna celiyaan in ay si saxan u dileen Al-shabaab”Qeybdiid ayaa sidaasi yiri.

Sidoo kale C/qeybdiid oo hadalkiisa sii watey ayaa yiri “Waayahaye haddii Shabaab ay yihiin wixii ay laayeen bal garoonka Xamar haka afduubaan wiilasha Milatariga ah ee dhaawac ahaanta halkaasi loogu qaadey, haddii kale Shabaab ma ahayn”

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in weerarkii ay ka fuliyeen deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug iyaga oo kaashanaya ciidamada Puntland ay ku dileen rag ka tirsan Al-shabaab.

Deegaanka Jeexdin weerarkii ka dhacay waxaa ku dhintay ciidan ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaasi oo xilli habeen ah ay halkaasi ku weerareen ciidamada Puntland iyo kuwa Maraykanka.

Goobjoog News