U bood dhigaalka

Qeybinta Abuur la siinayay beeraleey ku sugan duleedka Afgooye oo lasoo gaba gabeeyay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Deegaano badan oo hoostaga degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay soo gaba gabeeyeen qeybinta Abuurka oo maalmahaan ka wadeen deeganadaasi.

Liibaan Bile Xiireey oo ka mid ah gudigaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in abuur qeybintaan ay wadeen maalmo dhan 7, ayna ka faa’ideesteen dad aad u badan.

Abuurkaan ayuu sheegay in ay siinayeen dadka danta yar ee xilliyada roobka ah wax barta, waxaana uu tilmaamay in ay ka qeybiyeen sagaal Tuulo oo Afgooye hoostagta.

Qoysas gaaraya 1,050 (Kun iyo Kontan) ayuu sheegay in ay ka faa’ideesteen, islamarkaana ay ku haminayaan in wax soo saar wanaagsan uu soo baxo.

Maalmaha soo aadan ayuu sheegay in abuur ay gaarsiin doonaan dadka ku dhaqan deegaano kale oo gobalka Shabeelaha Hoose ka mid ah.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News