U bood dhigaalka

Qeybinta Abuurka Dalaga Beeraha Ee Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Lasoo Gabagabeeyay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxaa lasoo gaba gabeeyay abuur maalmahaan dambe loo qeybinaayay qaar ka mid ah beeraleyda ku dhaqan deegaano ka mid ah gobalka Shabeelaha Hoose.

Malaaq Xasan oo ka mid ah gudi ku howlanaa qeybinta ayaa Goobjoog u sheegay in ilaa 5 tuulo ay ka qeybiyeen abuurkaan, kuwaa oo muddo badan dhibaatooyin ka jiray.

“Abuurka Waxaan ka qeybinay deegaano badan oo gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana ka mid ah tuulooyin hoostaga Ow-dheegle, iyo Lambar 50” ayuu yiri Malaaq Xasan.

Abuurkaan la qeybiyay ayaa kala ah Digir iyo Galeey, waxaana uu sheegay in ay uga gollahaayeen sidii loo caawin lahaa beraleyda si ay usoo kobcaan, waxna ay u qabsadaan dadkaasi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan deegaano kale oo Abuur u baahan laakiinse baahida markii la qiimeeyay ay muhiim noqotay Tuulooyinkaan oo dagaalo ay ka dhaceen marar badan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News