U bood dhigaalka

Qeybo Ka Mid Ah Wadada Makka Al-mukarrama Oo Xiran In Ka Badan 24 Saac

Sheeko:Dalka

Qeybo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho ayaa xiran in ka badan 24-saac, iyadoo la arkayo ciidamo aad ubadan oo wadooyinka daadsan.

Wadadaasi ayaa ka xiran inta u dhaxeysa Isgoysyada Tiyaatarka iyo dabka ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi laga celinayo gaadiidka dadweynaha.

Ilaa iyo hadda uljeedka ka dambeysa arintaan lama shaacin, saraakiisha amaanka iyo maamulka gobalka Banaadir, kama aysan hadli qorshaha tani laga damacsan yahay.

Kaliya wadada Makka Al-mukarrama ma ahan meelaha xiran ee sidoo kale waxaa ciidamo lagu arkayaa wadooyinka gala Madaxtooyada Soomaaliya.

Goobjoog News