U bood dhigaalka

Qeybo Ka Mid Isbitaalka Banaadir Oo Xirmay Iyo Wasaaradda Caafimaadka Oo Aan Mushaar Bixin

Sheeko:Caafimaadka

Iyada oo wasaaradda caafimaadka dowladda faderaalka ee Soomaaliya  ay dhowaan shaacisay in Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ay wasaaradda si toos  ah ula wareegtay, wixii hadda ka dambeeyana shaqaalaha la siinayo xuquuqda ka maqan ayaa durbaba waxaa soo baxaya in qeyb shaqadii ka mid ah  isbitaalka uu haayay shacabka kuwooda jilacsan ee hooyada iyo dhallaanka ay istaagtay, ayadoo sababta lagu sheegay dhaqaale darro soo wajahday isbitaalka iyo Hay’adihii taakuleyn jiray oo waqtigu ka dhamaaday.

Drs Luul oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka hooyada iyo dhallanka ee Banaadir oo la hadashay Goobjoog News ayaa sheegay in isbitaalka uu wajahayo xaalad adag, oo aysan jirin dowledda ama wasaaradda Caafimada oo taakuleysa ama mushaar siisa shaqaalaha isbitaalka.

“Ilaa iyo hadda waxa aan heynaa shaqooyin kuwaas oo ay qabtaan shaqaale xirfad u leh shaqadooda looguna talogalay in qabtaan shaqadaas, waxaa ay u qabtaan inta karaankoodaa ma dhaheeyno sida ugu fiican ayaan u shaqaynaa sababtoo ah awooda aad u yar”

Marwo Luul oo sii-hadleysa waxaa ay tiri “Waxa aan rabno inaan si aad ah uga hadalno waxaa ka mid ah shaqaalaha intaa wax looga helaa shaqaalaha waxa ay ku shaqeeyaan si bilaasha, waxaan ognahay in wasaaradda caafimada markii ugu danbeeysay ay sheegtay wasaaradda in Mushaar ay siiso Shaqaalaha Isbitaalka, waxaan caddeynayaa unuu jirin Shaqaale ka shaqeeye, kana qoran Isbitaalka Hooyada iyo dhaldaanka ee Banaadir oo qaata Mushaar ay bixiso wasaaradda caafimaadka, marka laga reebo xiligii Dowleddii dhexe isbitaalka gacanta ku haysay ilaa iyo hada qof qaataa majiro”

Waxa hadda isbitaalka laga helaa waa gunno yar oo ay bixiyaan deeq bixiya-yaasha caalamiga ah gunadaasna ma ahan mid isbitaalka dhan uu wada helo, waxaa helo qaar ka mid ah qeybaha kalana waqti ayey ku xiran yihiin, waxaan ognahay hadda qaybo sida qeybta shubanka ee degdaga ah waxa ay heleen shan bilood lacaga sanadkii 2018ka 3 july-18 December hada ma furno mana shaqayso.

Qeybaha caruurta waxaan ognahay in caruurtu ay qabaan cuduro kala gadisan, waxaana ka mid ah Nafaqa darada oo sedex nuuca ah qyebta caruurta waxa uu ka kooban yahay 140 Sariirood 100 isbitaalka ayaa leh halka40 Sariir ay yihiin kuwo kiro ah’

Isbitaalka ayaa hadda lagu daaweynayaa kuwaas oo ka muuqato nafaqo darri,  waxaana gabi ahaanba la xiray qeybtii lagu dabiibayay dadka uu soo rito xanuunka shuban biyoodka sida uu sheegayo Dr. Cabdirisaaq Xasan Cali.

Goobjoog News