U bood dhigaalka

Qeylo dhaan laga soo saaray nolosha dadka ku nool tuulooyin hoos yimaada Jalalaqsi (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa ka dayriyay xaalada beni’aadanimo ee dadka ku dhaqan in ka badan 25 tuulo oo hoos tagta degmadaasi.

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in qoysas fara badan ay saameysay abaarta daran ee ka jirta gobolka Hiiraan.

Qoysaskani ayuu sheegay Maxamed Fiidow in dhibaatada ugu weyn ee haysta dadkan ay tahay biyo yari baahsan iyo xaalada caafimaad ee tuulooyinka oo aad u liidata.

Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa ka codsaday hay’adaha samo falka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka codsanayaan in ay la soo gaaraan gurmad beni’aadanimo si nolasha dadkaasi ay uga soo roonaato sida ay iminka tahay.

Hoos ka dhageyso codka Maxamed Cabdulle Fiidow: