U bood dhigaalka

Qeylo dhaan laga soo saaray qoysas ku dhibaateysan Caabudwaaq

Sheeko:Dalka
Caabudwaaq
Caabudwaaq

Maamulka degmada Caabudwaaq ayaa ku baaqay in gargaar bina’aadannimo oo deg deg ah la soo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud Khaliif Cabdi Samad Cali ayaa sheegay in xaalada dadka ay tahay mid aad u liidata.

Waxa uu tilmaamay in dadku ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah isla markaasina ay ka jirto deegaanka xaalad nolol xumo oo aad u liidata isaga oo fariin gaar ah u diray hay’adaha sama falka ee gobolka Galgaduud ka howl gala iyo dowladda Soomaaliya.

Waxa uu ugu baaqay dowladda Federaalka iyo hay’adaha sama falka in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan degmada.

Roobabkii xilliga deyrta ayaan weli ka da’in gobolka Galgaduud oo ay si xun u saameysay abaarta.