U bood dhigaalka

Qiimaha Sonkor oo sare u kacay suuqyada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maalmihii dambe ka jiray sicir aad u badan oo laga dareemayo maciisha qutul daruuriga  ah ee bulshada.

Sokorta oo qeyb weyn kaga jirta doorka cuntada sida maalinlaha loo isticmaalo, ayaa waxaa ku yimid kala go’ taas oo dhalisay in qeybo kamid ah laga waayo suuqyada Muqdisho, halka nuucyada kale uu sicirkeedu kacay.

Sokorta nuuca loo yaqaano Brazil-sha ee ka ka timaada dalka ku yaalla Latin America ee Brazil ayaa suuqyada Muqdisho ka go’an, waxaana gacansatadu ay sheegayaan in iyadoo sicirkeedu sareeyay haddana uu jiro kala go, ka yimid dhanka dalka soo saara,waxaana kiiladii la kala iibsanayaa 31,000 ilaa 23,0000 oo shilling oo ka dhigan in Loorkii yahay $51- $52.

Marka laga tago kala go’a ku yimid Sokorta ka timaada Brazil waxaa dalka sidoo kale laga isticmaalaa sokorta ka timaada Hindiya, taas oo ku jirta Jawaan cad, qiimo ahaan waxba kama hooseyso midda dalka Brazil, oo waxaa Loorka 50 kg la iibin $50-$51, laakiinn waxaa xusid mudan in bulshadu in badan aad u isticmaasho sokorta ka timaada Brazil ee cad.

Bulshada ayaa marka laga soo tago qiimo kaca ku yimid sokorta ayaa waxaa ay bilaabeen sokora nuuca Gaduudka ah taas oo qiimo jaban kuwa ka yimaada dalalka Brazil iyo Hindiy, taas oo qiimo ahaan wax badan ka hooseysa kuwa kale, qiimo dhan $4, ilaa $5, taas oo ka dhigan in sokorta 50kg uu yahay $46, Sokortu waxaa ay kaalin muhiim kaga jirtaa maciishada.

Bulshada kuwooda danta yar ayey aad ugu adag tahay in si joogto ah ay u helaan Shaaxa la cabo, waxaana qaar kamid ah oo aan la kulanay ay sheegeen in maalinkii laba ciddii karsan jirtay ay hadda karsato hal mar, taas oo ka dhalatay sare u kaca ku yimid qiimaha, sidoo kale  qiimaha la iibiyo Shaaxa ayaa kacay oo wax ka badan $2000 shilling ay ku darsantay koobka.

Tan iyo markii dunida uu ka dilaacay xanuunka COVID-19, waxaa kale xirmay ganacsiga dunida, waxaana sidoo kale jirta in ganacsatu ay sheegtay sare u kac uu ku yimid qiimaha lagu soo kireeyo Kunteennarada gacansiga lagu soo daabulo, iyadoo la sheegay in dowladda Mareykanka ay xariyaad saartay kuwa badan oo caalamka kala yaalay, taas oo keentay sare kac.

Goobjoog News