U bood dhigaalka

QM oo baarayso tacadiyada ka dhanka ah Carruurta ee Caalamka

Sheeko:Amniga

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ay bilaabayso baaritaanno ku aaddan sidii loo xaqiijin lahaa dhacdooyin ka dhan ah carruurta oo ka dhacay dalalka Ethiopia & MozambiqueEthiopia & Mozambique.

UN-ka ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in ay jiraan tilmaamo muujinayo in tacadiyo loo gaystay carruur dhowr ah oo ku sugan dalalka Ethiopia & Mozambique, tacadiyada ayaa muujinaya in ay dhaceen xilli colaado ay ka taagan yihiin dalkaas.

António Guterres, xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa sheegay in ay diiwaangeliyeen dhimashada in ku dhaw saddex ku oo carruur ah daafaha dunida sanadkii tagay ee 2021.

Guterres, ayaa cadeeyay in ay soo gaareen tirada maydadka carruur dhan 2,515, halka waxyeello dhaawac ah ay soo gaartay carruur gaareyso 5,555, dagaallo iyo rabshado dhacay sanadkii hore ee 2021.

Qaramada midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in ay suuragal tahay in tirada carruurta ay waxgaareen intaas ay ka badan tahay.

UN-ka ayaa sheegay in aysan u dulqaadan karin waxyeelada loo gaysanayo carruurta adduunka, Itoobiya ayaa carruurtii ugu badneyd sanadkii la soo dhaafay ay ku dhinteen kadib dagaallo qaraar oo dhexmaray dowladda iyo jabhadda TPLF.

Goobjoog News