U bood dhigaalka

QM oo Ka Digtay Xadgudubyada Haweenka Ee Xilliyada Dagaalada

Sheeko:Amniga

Xilli sanad waliba la xuso maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudubyada galmada ee colaadaha, QM ayaa ku baaqday in la xoojiyo tillaabooyinka sharciga iyo bulshada, si loo badbaadiyo nolosha haween fara badan.

“Xuquuqda aadanaha ee dadka ka badbaaday xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha waxay u baahan yihiin in la ilaaliyo, si ay tani u dhacdana waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo hanaanka ilaalinta sharcidejin iyo midka bulsho ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loogu talagalay haweenka iyo carruurta,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Si taas loo gaaro, dadaallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee dhanka xadgudubyada galmada inta lagu guda jiro colaadaha waxaa ka mid ah in la sameeyo xarumo gaar ah oo taageero buuxda siiya haweenka markii hore lala xiriirin jiray Al-Shabaab, halkaasoo ka dib marka la siiyo la-talin billow ah iyo taageero nafsi-bulsheed, haweenku ay qaadanayaan muddo tababar xirfadeed oo farsamo gacanta ah iyada oo ujeedadu tahay in kor loo qaado fursadaha ay ku heli karaan isku filnaansho dhaqaale iyaga iyo qoysaskooda.

“Waxaan sidoo kale ku boorinayaa hay’adaha iyo mas’uuliyiin Soomaaliyeed inay xaqiijiyaan in agabka lagu taageerayo dadka ka badbaaday rabshadaha galmada ee la xiriira colaadaha ay ku jiraan fursado dhaqaale. Iyadoo loo marayo awoodsiin dhaqaale ayaa ka badbaadayaashu waxay awood u yeelan doonaan inay naftooda iyo qoysaskooda wax ku taraan, oo ay ciribtiraan ceebaha la xiriira in loo geystay rabshadahaas oo kale,” ayaa yiri Md. Swan.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay 2015 June 19 sanad walba maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudubyada galmada ee colaadaha. Xuskan ayaa ujeedadiisu tahay in lagu baraarujiyo baahida loo qabo joojinta xadgudubyada galmada, la sharfo dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday xadgudubyada galmada ee adduunka iyo in la xuso dhammaan kuwa sida geesinimada leh naftooda u huray. waxayna naftooda ku waayeen inay u istaagaan dambiyadaas.

Goobjoog News