U bood dhigaalka

QM Oo Rajo Ka Muujisay Sii Socoshada Wadahadala u Dhaxeeya DF iyo Dowlad Gobaleedyada

Sheeko:Amniga

Xafiiska Qaramada Midobay ee Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay wada hadalada u socda madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka .

QM ayaa sheegtay in ay dhiira gelineyso Kulamada hor-u dhaca ah ee u dhaxeya dowladda Fedaraalka iyo dowlad gobaleedyada , kaas oo furmay 3 Bishan .

“QM waxaa dhiiri galiyneysa Wadahadalada  DFS iyo dhamaan hogaamiyaasha dowleedyada ee Hor u dhaca ah , kuwaas oo laqabtay 3-4 Abriil. Waxaan fahamsanahay in hogaamiyayaashu qorsheynayaan inay sii wadaan  wadahadalkooda, waxaanna ku boorrinaynaa inay ku gaaraan heshiis wadahadalladaan muhiimka ah.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska QM ee Soomaaliya .

Hadalka QM ayaa yimid iyadoo muddo labaa maalin ah wadahadalo hor u dhac ah madaxda dowladda iyo kuwa dowlad gobaleedyada Muqdisho uga socdeen , wallow maanta la nasanayo madaxdana berri oo Talaada ah wada hadalada dib u bilaabi doonaan .