U bood dhigaalka

QM Oo Sheegtay Dowladda Itoobiya In Aysan Sharci U Laheyn Saraakiil Ka Tirsan In Ay Ceeyriso

Sheeko:Amniga

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya aysan sharci u laheyn in dalkeeda ay ka ceyriso saraakiil ka tirsan Qaramada Miidobay.

Itoobiya ayaa ku dhawaaqday cayrinta khamiistii, iyadoo ku eedeysay toddobada sarkaal inay “faragalin” ku hayaan arrimaha dalka ayna u qabteen 72 saacadood inay kaga baxaan.

Bayaan cusub oo ay soo saartay Jimcihii, wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya waxay ku eedeysay qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay inay ku guul darreysteen “inay fuliyaan howlahooda si madaxbannaan oo eex la’aan ah” ayna taxeen “xadgudubyo waaweyn” oo ay ka mid yihiin in la leexsaday gargaarkii bani’aadamnimada ee la siin jiray ciidamada Tigray ee la dagaallamaya ciidamada dowladda.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in ugu yaraan 5.2 milyan oo qof oo ku nool gobolka Tigrayga ay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo oo ay ku jiraan ugu yaraan 400,000 “qof kuwaas oo macluul wajahaya.

Ku-xigeenka afhayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa sheegay in warqad diblomaasiyadeed loo diray Ergayga Qaramada Midoobay ee Itoobiya loona gudbiyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed markii uu khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.