U bood dhigaalka

QM Oo Sheegtay In Afar Milyan Ay Wajahayaan Cuna Yari Loona Baahan Yahay $1.9 Bilyan

Sheeko:Amniga

Qaramada Midoobay ayaa war ka soo saartay xaaladda Bini’aadanimo iyo cunna yari  ee ka jirta gobalada dalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay QM ayaa lagu sheegay in xaalad cuna yar ah oo aad u liidata ay wajahayaan 4 milyan oo qof oo ku nool dalka Soomaaliya loona baahan yahay in ay la gaarsiiyo gargaar deg deg ah .

War kasoo baxay QM ayaa lagu yiri “Codsi wada jir ah oo ay soo saareen UN-ka iyo Dowlada Soomaaliya Isniintii ayaa lagu dalbaday $ 1.09b si loo gaarsiiyo afar milyan oo Soomaali ah oo la saadaalinayo inay wajahaan cunno yari ba’an sanadkan”.

QM ayaa sidoo kale qoraalkooda waxaa intaasi lagu daray “Afar milyan oo qof ayaa wajihi doonta cunno yari ba’an sannadkan sababo la xiriira isugeynta saameynta cudurrada iyo cimilada, UN-ka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa Isniintii sheegay iyagoo codsaday gargaar caalami ah”.

Iu-duwaha Gargaarka Aadamiga ee Qaramada Midoobay, Adam Abdelmoula, ayaa yiri “Dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin jahwareer cimilo xumo, iskahorimaad daba dheeraaday, cudurro dillaaca iyo ayax aad u fara badan ayaa u horseeday malaayiin carruur, haween iyo rag ah oo ku nool Soomaaliya inay qarka u saaran yihiin badbaadin,”.