U bood dhigaalka

QM Oo Sheegtay In Ay Sare U Kaceen Dadka Somaliland Ay Ka Soo Barakicisay Deeganadeeda

Sheeko:Amniga

Hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta arrimaha bani’aadminnimada ee OCHA, ayaa sheegtay in ay sare u kaceen dadka laga soo barakiciyay deeganada Somaliland.

Warbixin ay soo saartay ayeey hay’adda ku sheegtay in illa iyo hadda inta ay QM diwaan gelisay ay gaareysi illa iyo 7,250 qof kuwaas oo laga soo barakiciya deeganada Somaliland.

Shalay oo jimca aheyd ayey hay’adda sheegtay in ay 24 qoys ay soo gaareen deegaanno hoostaga Buuhoodle, kuwaas oo la sheegay in ay ka soo jeedaan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Magaalooyinka gaalkacayo iyo Baydhabo ayeey OCHA sheegtay in ay gaareen dad gaaraya 75 qof kuwaas oo ka soo barakay magaalada Laascaanood.

maalmaha soo aaddan ayaa sidoo kale lagu wada in maamulka Muuse Biixi magaalada Ceerigaabo ay ka soo saaran illa iyo 400 qoys kuwaas oo loo qabtay in 21 bishaan ka hor ay isaga baxaan Somaliland.

Dowladda Soomaaliya iyo QM ayaa si wadajir ah u cambaareyay barakicinta dadka shacaka ah ay Somaliland u geysaneyso.

Goobjoog News