U bood dhigaalka

QM oo taageertay heshiiska maamulka Ximan iyo Xeeb uu saxiixay

Sheeko:War
Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya,Ergeyga Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay go'aanka uu qaatay maamulka Ximan iyo Xeeb ee uu ku saxiixay dhisidda maamul loo sameeyo Galgaduud iyo Mudug. Heshiiskan ayaa qeyb ka ah heshiis 30-kii bishii hore ee July ay saxiixeen dhinacyadii ka qeyb galay, kaasoo la iskugu af gartay in la dhiso maamul cusub oo uu yeesho bartamaha Soomaaliya. “Waxaan soo dhoweynayaa ku soo biiritaanka maamulka Ximan iyo Xeeb eek u aadan saxiixa tallaabada koowaad ee sameynta maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya” ayuu yiri Nicholas Kay. Danjire Nicholas Kay ayaa ku booriyay dhinacyadii qeybta ka ahaa heshiiska in ay ka shaqeeyaan dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta. “ Anigoo matalaya Qaramada Midoobey, waxaan halkan ka sheegayaa in QM ay taageeri doonto nabad iyo dhismo ka dhasha Soomaaliya.” Ayuu kusoo gabagabeeyay Nicholas Kay.
Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya,Nicholas Kay.

Ergeyga Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay go’aanka uu qaatay maamulka Ximan iyo Xeeb ee uu ku saxiixay dhisidda maamul loo sameeyo Galgaduud iyo Mudug.

Heshiiskan ayaa qeyb ka ah heshiis 30-kii bishii hore ee July ay saxiixeen dhinacyadii ka qeyb galay, kaasoo la iskugu af gartay in la dhiso maamul cusub oo uu yeesho bartamaha Soomaaliya.

“Waxaan soo dhoweynayaa ku soo biiritaanka maamulka Ximan iyo Xeeb eek u aadan saxiixa tallaabada koowaad ee sameynta maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya” ayuu yiri Nicholas Kay.

Danjire Nicholas Kay ayaa ku booriyay dhinacyadii qeybta ka ahaa heshiiska in ay ka shaqeeyaan dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta.

“ Anigoo matalaya Qaramada Midoobey, waxaan halkan ka sheegayaa in QM ay taageeri doonto nabad iyo dhismo ka dhasha Soomaaliya.” Ayuu kusoo gabagabeeyay Nicholas Kay.