U bood dhigaalka

QM Oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Dadka Laga Soo Barakiciyay Laascaanood

Sheeko:Amniga

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Iskudabaridka gargaarka ee magaceeda looso gaabiyo UNOCHA, ayaa war ka soo saartay dadka shacabka ah ee laga soo barakiciyay magaalada Laascaanood.

Hay’adda ayaa sheegtay in wax aad looga xumaado ay tahay barakicinta dadka masaakiinta ah, sidoo kale waxa ay sheegtay hay’adda in ay diyaarineyso qorsho dadkaas lagu caawinaayo.

“Waxaan aad uga walaacsannahay warbixinnada barakac khasab ah oo la qorsheeyay maalmaha soo socda,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay hay’adda UNOCHA.

QM ayaa sidoo kale waxa ay codsatay in ay hay’addaha kale ee samalka bixiya ay gurmad degdeg ah u fidiyaan dadka la soo barakiciyay.

“Waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha samafalka inay bixiyaan oo dedejiyaan gargaarka degdegga ah, iyadoo lala kaashanayo maamulada maxalliga ah, si loo helo xal waara,” ayaa markale lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda isku-dabaridka gargaarka QM ee UNOCHA.