U bood dhigaalka

QM Oo War Ka Soo Saartay Hoobiyayal Lagu Weeraray Xalane

Sheeko:Amniga

Xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa war ka soo saaray tiro Hoobiyayaal ah oo shalay lagu garaacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho .

Qoraal ka soo baxay Xafiiska QM ee Muqdisho ayaa lagu cambaareyay weerarkii lagu qaaday Xalane , iyadoo dadkii ku dhaawacmay loo rajeyay in ay soo caafimaadan .

Ergayga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in aysan weerarada noocan oo kale ah marnaba aysan joojin karin taageerada ay siiyaan Shacabka Soomaaliyeed

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Ka Soo baxay QM 

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa cambaareeyay weerarkii maanta ee lix madfac ay kusoo dheceen gudaha xeyndaabka Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee  Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Ma jiraan xarumo ay leedahay Qaramada Midoobey oo waxyeelo kasoo gaartay mana jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku wax-yeeloobay hoobiyaasha.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee al-Shabaab ee ka dhacay xarunta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Md. Swan. “Soo kabasho degdeg ah ayaan u rajeynayaa dadkii ku dhawaacmay goobaha kale ee garoonka diyaaradaha. In kasta oo ay jiraan falal rabshado wata oo noocaas oo kale ah, hadana saaxiibbada Soomaaliya ee caalamka waxaa ka go’an inay garab istaagaan dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadaan taageerada ay u fidiyaan horumarka dalka.