U bood dhigaalka

QM: Waan Ka Xunnahay Go’aanka Sida Deg Deg Ah Loogu XerayTerminalka MOVCON

Sheeko:Amniga

Xafiiska qaramada midoobay ee Muqdisho ayaa war ka soo saaray go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku xirtay qeybta gaar ah ee garoonka diyaaradaha ka adeegsaneyeen howl wadeenada qaramada Midoobay.

Warka ka soo baxay qaramada midoobay ayaa ugu horeyn lagu sheegay in ay aqbaleen xiritaanka terminalka MOVCON.

“Codsi kaga yimid Dowladda Soomaaliya awgiis, ayay Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay xirtay xarunteeda halwgallada rakaabka (ee loo yaqaano MOVCON) ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, laga billaabo 24ka Diseembar 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay.

War-saxaafadeedka qaramada midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlwadeenadeeda ay mar walba diyaar u yihiin sidii ay xoogga u saari laheeyn ku shaqeynta shuruucda Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay waxay Soomaaliya uga shaqeysaa iyadoo si buuxda u ixtiraamaysa sharciga Soomaaliya iyadoo la raacayo shuruudaha Heshiiska Hawlgalka iyo heshiisyada kale ee labada geesoodka ah ee la xiriira ee ay saxiixeen hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay iyo sidoo kale Axdiga Qaramada Midoobay iyo Heshiiska Xuquuqda iyo Xasaanadaha Qaramada Midoobay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in ay aad uga xuntahay go’aankan oo ay sheegtay in si deg deg ah oo aan wax wadatashi laheyn ay ku qaaday dowladda Soomaaliya.

“Waxaan si dhab ah u qaadaneynaa walaac kasta oo ay Dowladda Federaalku ka muujin karto hawlgallada Qaramada Midoobay waqti kasta, waxaana ka xunnahay in amarkan xiritaaanka si degdeg ah oo lama filaan ah loo soo saaray iyadoo aan wadatashi hore oo ku filan laga samaynin.” ayeey tiri QM.

QM ayaa sidoo kale sheegtay in eedeymaha dowladda federaalka ay soo jeedisay aysan si faahfaahsan loogu warbixin.

“Waxaan sida oo kale uga  xunahay in xiritaanka sida muuqata ay sabab u tahay eedeymo aan weli si faahfaahsan loogu soo bandhigin Qaramada Midoobay si loogu sameeyo baaritaan. Wadahadallo dheeraad ah oo arrintan ku saabsan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda lala yeesho madaxda Dowladda Federaalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka qaramada midoobay.

Ugu dambeyn qarmada midoobay ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay sii waddo dadaalka iyo taagerada ay siiso Soomaaliya.

“Qaramada Midoobay waxaa weli ka go’an wadashaqaynta ay la leedahay Soomaaliya iyo in ay sii waddo caawinta dadkeeda, taaso ay jiraan carqaladahan ka dhan ah hawlgalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka qaramada midoobay.

Hadalkaan ayaa yimid xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay xirtay terminalka MOVCON ee garoonka diyaaradaha Adan Cade kaas oo ahaa mid u qaas ah AMISOM, UN iyo Saaxiibada caalamka.

Goobjoog News