U bood dhigaalka

Qoddobada Ka Soo Baxay Kulankii Ugu Horeeyay Ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Golihiisa Wasiirrada

Sheeko:Dalka

Kulankii Ugu Horeeyey ee ay yeeshaan golaha wasiirada ee xukuumadda cusub Oo uu shir gudoominayey madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka dhacay Hargeisa.

Kulankaas waxaa ka qayb galay 31 xubnood oo ka mida 32-ka xubnood ee golaha wasiiradu ka kooban yahay. Madaxwyne Muuse Biixi Cabdi waxuu kalfadhigaa ka sheegay in xukuumaddan hiigsigeeda uu saldhig u yihiin Balanqaadyadii iyo Barnaamijkii Xisbigu ku galay ololaha iyo Qorshaha horumarinta Qaran ee labaad (NDPII)

fadhigan oo qaatay muddo saacado ah, wuxuu ahaa kulan isbarasho iyo is xog waraysi. Madaxwaynuhu wuxuu si gaara hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay Muwaadinimada, wada jirka ummadda ay mas’uulka ka yihiin, isagoo Golaha faray in juhdi iyo dadaal midaysan loo galo sidii umadda loo midayn lahaa, loogana saari lahaa xanaftii ka dhalatay tartankii ololaha doorashada.

Haddaba, fadhigii koowaad ee uu yeesho golaha wasiirada cusub maanta oo ay taariikhdu tahay 16.12.2017, uuna shir Guddoominayey Madaxwaynuhu waxaa lagu go’aamiyey qodobadan soo socda;

  1. Waxaa dhamaan golaha lagu dhaariyey inay ilaashaan sirta golaha wasiirada iyo ta qarankaba.
  2. In Golaha Wasiiradu ay diiwaan geliyaan dhammaan hantidooda (guurtada iyo maguurtadaba).
  3. In dhammaan Golaha wasiiradu ay keenaan xogta shaqsiga ah ee sharcigu waajibiyey ee looga baahan yahay oo dhamays tiran.
  4. In la qabto kulano joogta ah oo la xidhiidha qaabka wada shaqaynta iyo xoojinta shaqada ay wasiiraduhu qaranka u hayaan.
  5. In dhammaan gobolada dalku ay u sinnaadaan caddaladda iyo horumarka.
  6. Maadaama ay wasiiradu yihiin masuuliyiin qaran loona igmaday xil qaran, waa inaan loo arag wasiir qolo, mid qoys iyo mid qabiil toona. Sidaas darteedna ay reeban tahay in Wasiiradu ay ka qayb galaan casuumado beelaysan oo Wasiirka ay beeshiisu si gooniya ugu maamuusayo
  7. In xafladaha xilwareejinta ee mas’uuliyiinta cusubi ay kala wareegayaal mas’uuliyiinta xukuumaddii hore ay reeban tahay in lagu qabto meel ka baxsan xarumaha dawladda.

Goobjoog News