U bood dhigaalka

Qodobada Heshiis ay Wada Galeen Kulmiye iyo New Ucid oo Saxaafadda loosoo Bandhigay

Sheeko:Dalka

Xisbiga Kulmiye iyo garb ka tirsanaa xisbiga mucaaradka ah ee Ucid oo wadahadal uu uga socday magaalada Hargeysa ayaa soo bandhigay qodobbo ay labada dhinac ku heshiiyeen oo ay isla meel dhigeen.

Guddiyo in muddo ah soo wadahadlayay oo ka kala tirsan garabka New Ucid iyo xisbiga Kulmiye oo ka koobnaa labo guddi oo min 6 qof ah ayaa wadahadalkoodu ku saabsanaa sidii ay ku midoobi lahaayeen labada dhinac.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo hoggaaminayay wadahadalka ayaa saxaafadda u sheegay:

“Labada guddi wadahadal wanaagsan ayaa maray anigoo guddoomiyahoodii ah aad iyo aad baan ugu mahad naqayaa, sida fiican ee xushmadda leh ee walalaalnimada leh ee ay mudadaa howsha u soo wadeen, labada dhinac waxay ku heshiiyeen mabaadi’da guud ee ay wada aaminsan yihiin”.

Qodobadda ay ku Heshiiyeen Labada Dhinac

  1. Ilaalinta goonni isku taagga Somaliland.
  2. Xoojinta midnimada ummadda Somaliland iyo la dagaalanka qabyaaladda.
  3. Ilaalinta iyo adkeynta nabadgelyada Somaliland.
  4. Qorsheynta ka hortagga abaaraha soo noqnoqda.
  5. Ilaalinta iyo ku dhaqanka dastuurka xisbiga Kulmiye iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka.
  6. Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in New Ucid si buuxda uu ula midoobo xisbiga Kulmiye si ay talada xisbiga qeyb uga noqdaan iyaga oo Kulmiye ah.

Musharrixii  madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ahaana guddoomiyaha garabka New Ucid ayaa khilaaf in muddo ah jiitamay ka dib ka baxay xisbigii Ucid kuna biiray xisbiga Kulmiye, kadib markii wax xal ah loo waayay khilaafkii gudaha xisbiga Ucid ee garabyada is hayay.

Goobjoog News