U bood dhigaalka

Qodobada Looga Hadlayo Shirka Madasha Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Waxaa Muqdisho ka socda shirka madasha hoggaanka qaran, marka laga reebo Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Gaas inta kale madaxda madasha waa joogaan.

Qodobada Looga hadlayo:

  1. In La Cayimo waqtiga doorashada la soo afjarayo
  2. Dhameystirka Hannaanka Doorashada Dadban
  3. Dedejinta Doorashada Aqalka Hoose Iyo Midda aqalka Sare
  4. Xal Ka Gaarista Muranka Puntland iyo Gobollada Waqooyi ee Ku aadan aqalka sare
  5. Qoondada Haweenka .
  6. Xallinta Kuraasta muranka ka jiro ee aqalka hoose
  7. In doorashada madaxtinnimada lagu qabto 2016-ka gudaheeda.
  8. In la fududeeyo Tashiilaadka ay doorashada u baahan tahay.

Mas’uul shirka sugan oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegayaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashid iyo Ra’isul Baarlamaanka Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ay dusha saarteen xal ka gaarista arrinta Aqalka sare ee Somaliland.

Waxaa kaloo lagu wadaa in maalmaha Axadda iyo Sabtida la soo gabagabeeyo doorashada aqalka hoose taas oo ka socota meelo badan oo ka tirsan gobollada dalka.

War Murtiyeedka kala, Goobjoog News