U bood dhigaalka

Qodobaddii Ugu Muhiimsanaa Khudbadaha Xasan Sheekh,  Saciid Deni, Dr. Saciid Maxamud Iyo Sharif Sheekh Axmed

Sheeko:Dalka

Waxaa gelinkii dambe ee maanta xildhibaannada labada aqal ka hor khudbeyay Murashaxiinta kala ah: Xasan Sheekh,  Saciid Cabdulahi Deni, Dr. Saciid Ciise Maxamud Iyo Sharif Sheekh Axmed.

Xasan Sheekh Maxamud oo khudbaha bilaabay waxaa uu barnaamijkiisa xoogga ku saarey waxyaabihii uu ka qabtey dhismaha dowladnimada, goobo badan uu sheegey in ay dowladdiisa ka saartey xarakada Al-shabaab, Dhaqaale Iyo Miisaaniyad dowladnimo, xiriir caalami ah oo soo noqdey, 50 safiir uu aqbalay iyo 40 safaarad oo Soomaaliya ay dibadda ka furatey.

Waxaa uu Xasan Sheekh sheegey in uu dhameystiri doono haddii la doorto: Xasilinta dalka, Maqaamka Muqdisho, Dhaqan celinta Maleeshiyaadka, dhameystirka Dastuurka iyo arrimo kale.

Ugu Dambeyntii Xasan Sheekh waxaa uu ballan-qaadey 3 arrin:  dhismaha hey’adaha amniga, Federalism-ka iyo Nidaamka siyaasad qarameed.

Saciid Cabdulahi Deni oo isna Xildhibaannada ka hor Hadley waxaa uu balla-qaadey in uu ku dadaali doono sareynta sharciga, nabadda, hagaajinta ganacsiga, sameynta rugta kallumeysiga, Federalism-ka, Midnimada, hoggaan iyo shaqo hufan, isla xisaabtan, la dagaalanka musuqa, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo ka hortagga shaqo la’aanta ka jirta dalka.

Dr. Saciid Ciise Maxamud waxaa uu ku dheeraaday in uu wax ka qaban-doono arrimaha dimoqoraadiyadda, sinnaanta, cadaaladda, xuquuqda aadanaha, adeegga bulshada iyo difaaca dadka dulman.

Dr. Saciid waxaa kaloo uu ballan-qaadey in uu ka shaqeyn doono kor u qaadista amniga, iskaashiga beesha caalamka, sameynta lacag, baasaboor iyo ciidan tayo leh, isagoo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in uu arko Soomaaliya oo heshay aqoon, magac, cadaalad iyo dimoqoraadiyad.

Ugu dambeyntii waxaa hadlay Sheekh Sharif Sheekh Axmed, Sharirka waxaa uu ka Hadley in uu wax ka qaban-doono arrimaha amniga, dib u heshiisiinta, dhameystirka garsoorka, dhameystirka dastuurka, hor u marinta bulshada iyo dhaqaalaha, wanaajinta xiriirka arrimaha dibadda, maamul wanaagga.

Arrimihii ugu muhiimsanaa khudbaddiisa waxaa ka mid ahaa in uu dib u soo celin doono hanta uu sheegey in laga qaatey dalka, hor u marinta bulshada iyo dhaqaalaha tusaale ahaan waxaa uu soo qaatey caafimaadka, waxbarashada iyo deegaanka.

Goobjoog News