U bood dhigaalka

 Qodobbada Dastuuri Ah Ee Dartood Loo Qaadacay Shirka Wasaaradda Dastuurka

Sheeko:Dalka

Wasaaradda dastuurka federaalka ee Soomaaliya ayaa Goobjoog News u xaqiijisay in shirkii looga hadli lahaa arrimaha dastuurka ee maanta lagu ballansanaa uu u baaqday sababo la xiriira cillad-farsamo ah.

Tilaabadan ayaa timid kadib markii shirka ay qaadaceen maamul goboleedyada iyo hey’adihii u shaqada lahaa dib u-eegista dastuurka sida guddiga madaxabanaan ee dib u eegista dastuurka iyo guddiga dastuurka ee baarlamaanka 10aad.

Labada guddi waxaa ay caddeynayaan in shirkaasi uu yahay shir carqalad ku ah geeddi-socodka dib u-eegista dastuurka, isla markaana uu hareer-marsanyahay hannaanka dib u-eegista dastuurka ee Jamhuuriyadda federaalka ah, iyada oo wasaaraddu si awoodmaroorsi ah u abaabuleyso shirka, iskana indhatireyso hab-raaca lagu jideeyay dastuurka dalka u yaalla.

Sida qoraalka lagu sheegay Labada guddi waxaa ay maamul goboleedyada iyo bulshada rayidka ah ugu yeereen in aaney ka qeybqaadan jabinta iyo kuxadgudubka dastuurka federaalka ah kaasi oo waajib ah in ay ilaaliyaan ku dhaqankiisa.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale loogu baaqay in aaney qeyb ka noqon, dhaqaalana ku bixin arrin lagu carqaladeynayo geeddi-socodka dib u-eegista dastuurka, isla markaana lagu afduubayo xilalka iyo awoodaha labad guddi ee u xil-saaran dib u-eegista dastuurka.

Qodobada Dastuuri Ah Oo Dartood Shirka Wasaaradda Loo Qaadacay:

Maamul Goboleedyada, Labada guddi ee dib u-eegista dastuurka inta waxaa ay qabaan in Wasaaradda dastuurka ay raadineyso awood aan dastuuri aheyn, iyaga oo soo qaaday qodobo ay is leeyihiin meel ayaa looga dhacay sida Qodobka 63aad, 71aad, 110aad, 133aad iyo 134aad ee dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadaba, Halkan Ka Akhriso, Qodobadaasi oo Faah-faahsan:

Qodobka 63aad. Awoodaha Xeer-dejinta Golaha Shacabka

Golaha Shacabku ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matilaa dhammaan shacabka Soomaaliya, Awoodda sharci-dejinta ee Golaha shacabku keligii leeyahay waxaa ka mid ah:

(a)      Ka-qaybgalka wax-ka-beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;

(b)     Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horgeeyo, si waafaqsan Cutubkan iyo Cutubka15aad;

(c)      Ka-baaraandegidda sharciyada uu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka;

(d)     U-igmashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka awoodaha sharci-dejinta marka laga reebo wax-ka-beddelidda Dastuurka.

Qodobka 71aad. Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku wuxuu matalaa Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka, masuuliyadihiisa sharci-dejintaba waxaa ka mid ah:

(a) Ka-qayb-qaadashada wax-ka-beddelidda Dastuurka, si waafaqsan Cutubka 15aad;

(b)     Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83;

(c)      Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83;

(d)     Ka-qayb-qaadashada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad;

(e)      Xil ka qaadida Madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad;

(f)      Ka-qayb-qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan;

(g)      Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka;

(h)     Ka-qayb-qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan;

(i)      Ka-qayb-qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan:

  1. Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka;
  1. Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah;
  1. Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka;
  1. Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta;
  1. Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka. 

Qodobka 110aad. Mabaadi’da Guud

(1)       Guddi madax banaan waa hay’ad ka madax bannaan xukuumadda ama xakamayn siyaasaded, awoodna u leh adeegsiga aqoontooda xirfadeed ee la xiriira hawlahooda u gaarka ah.

(2)       Guddi madax banaan marka uu ku jiro gudashada waajibaadkiisa iyo hawlgalkiisa waa in ay ka muuqataa in uu ku shaqaynayo dareenka dhawrista xuquuqda Aadanaha, dimuqoraaddiyad iyo SHAFAAFIYADDA (transparency).

(3)       Guddi madaxbannan marna ma hoos imanayo, kamana amar-qaadanyo qof ama hay’ad awood xukun leh midna.

(4)       Maaliyadda Guddi kasta oo madax banaan la siinayaa waxay ahaanaysaa madax gaar ah oo ka tirsan miisaaniyadda qaranka.

Qodobka 133aad- Qodobada ku dabaqma wax ka badelka Dastuurka ku meel gaarka ah (Jadwalka koowaad (C), ama sharci lagu xusay jadwalka koowaad (D) ee Dastuurkan ka hor inta aanay dhammaan xilliga koowaad ee Baarlamaanka Federaalka: Guddida la socodka/kormeerka

(1)       Qodobkan iyo Qodobka 134––

‘Guddiga la-socodka’ waxaa loola jeedaa Guddiga ku meel gaarka ah ee dib-u-eegista iyo lasocodka hirgalinta Dastuurka.

 

‘Guddiga dib-u-eegista iyo Hirgalinta’ waxaa loola jeedaa Guddiga Madaxa Bannaan ee dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ku meel gaarka ah

(2)       Dastuurkani waxaa uu abuurayaa Guddi Lasocod kaasi oo ah Guddi ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.

(a)      Aqal kasta oo Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ka tirsan waxaa uu u dooranayaa shan ka mid ah xubnihiisu in ay ka qayb noqdaan xubnaha Guddiga La-socodka. Intaa waxaa dheer, maamul kasta oo jira qaybna ka ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya kaasoo u qalma in uu noqdo maamuul ka mid ah Federaal marka la fiiriyo Dastuurka Soomaaliya waxa uu soo magacaabi doonaa hal ergay oo ka socda maamulka kaasoo xubin ka noqonaya Gudida la-socodka.

(b)     Guddiga L-socodku waxay la socon doonaan, tilmaami doonnaan ansixinna doonaan hawlaha Guddiga dib-u-eegista iyo Hirgalinta, iyo, guud ahaan hirgalinta Dastuurka.

(3)       Xubnaha Guddiga la-socodku waxay dooran doonaan guddoomiyahooda iyaga oo ka dooranaya xubnaha Guddiga la-socodka.

(4)       Muddo aan ka badnayn bil markii Guddiga la-socodku ay doorteen Guddoomiyahooda, Guddiga La-socodku waxay ku samaysan doonaan cod aqlabiyad ah xeerarka ay ku shaqaynayaan.

(5)       Guddiga La-socodka/Kormeerka waxaa uu muddo ka dibba, uu Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta u xilsaarayaa qoris shuruuc qabyo ah oo ku saleysan baahiyaha Jadwallada Koowaad (A) iyo Koowaad (B) iyo wixii kale ee baahiyo ah ee loo arko lagama maarmaan iyada oo la raacayo natiijada ka soo baxda ansaxinta ku-meelgaarka ah e Golaha Ansixinta Dastuurka ah ee Qaran sida uu dhigayo Borotokoolka Dhisaya Golaha Ansixinta Dastuurka Qaran .

(6)       Marka uu u xilsaarayo qoris hindise sharci qabyo ah ee lagu xusey faqradda (5), Guddiga Sixidda/Kormeerka waxaa uu mashruuca mudnaan u kala siinayaa sida soo socota: Waxaa uu —

(a)      Lafagurayaa mashruuca isaga oo ka eegaya dhibaatada bulsho ee wax-ka-beddelka Dastuurka ee la soo jeediyey ama Mashruuca-sharci uu wax ka qabanayo;

(b)     Siinayaa mudnaan sare hindise sharci qabyo ah oo higsanaya in uu beddelo hab-dhaqan/dabeecad.

  1. i. Ammaanka qaranka, bedqabka dadweynaha, ilaalinta xuquuqaha Aadanaha ee aasaasiga ah, ama Deegaanka

(ii)       Sinnaan la’aan dhinaca tayada nolosha ah ee qaybaha kala duwan ee dadka Soomaalida ah haysata, oo ay ka mid tahay sinnaan la’aanta dakhli, u sinnaan la’aanta daryeelka caafimaadka, iyo u sinnaan la’aanta waxbarashada;

(iii)     Horumarka dhaqaale, oo ay ka mid tahay helidda shaqooyin, hubinta in qayb caddaalad ku dhisan oo ka mid ah faa’iidada ay helaan maalgeliyeyaasha ajnebiga ah dib loogu maalgeliyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo hubinta in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan aqoonta ku saabsan, ayna helaan shaqooyin la xiriira adeegsiga tiknolojiyada cusub, iyo

(iv)      In maaliyadda ummadda laga ilaaliyo musuq-maasuq iyo si xun u adeegsi.

(c)      Siinayaa mudnaan tan ka yar mashaariicda ku saabsan dhibaato bulsho oo la xiriirta mas’uuliyad Wasaarad jirta marka laga reebo kuwa la xiriira dhibaatooyinka bulsho ee mudnaanta sare leh;

(d)     Ilaa intii suuragal ah iyada oo sal looga dhigayo xisaabinta sax ah iyada oo la isu eegayo kharashka ku baxaya iyo faa’iidada bulshada ay ka heleyso, u qoondeeynaya mudnaan isu dhiganta mashaariicda sharci-qorista u eg in mudnaantoodu ay isku mid tahay,

(e)      Ku martiqaadaya Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuuriyadda Soomaaliya in ay ka munaaqashoodaan kala mudnaan-siinta wax-ka-beddelka Dastuurka iyo mashaariic-shuruuc la soo jeediyey;

(f)      Sanad kasta ay Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya u gudbinayaan si uu u ansaxiyo, wax uga beddelo ama u diido, Barnaamij Qorista Shuruuc markaa jira ee mudnaanta leh ee ku saabsan wax-ka-beddel Dastuuri oo la soo jeediyey iyo mashaariic-sharci la soo jeediyey, si waafaqsan sida Guddiga Kormeerka/Sixidda uu mashaariicda u qoondeeyo in uu qoro Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta, iyo in muddo ka dib uu wax ku daro ama wax ka dhimo barnaamijkaa hadba sida xaaladda markaa jirta ay keeneyso.

(7)       Inta Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgelinta, si waafaqsan faqradda (6), uu dhammeystirayo sharci qabyo ah la weydiistey in uu qoro, sida ku xusan Qodobka 134, waxaa uu Guddiga Kormeerka/Sixidda u soo gudbinayaa si uu dib ugu eego wax-ka-beddelka qabyada ah ee Dastuurka ah ama mashruuca-sharci, oo ay la socoto Warbixinta lagu xusey Qodobka 134(7)(b).

(8)       Gudida lasocodku waxa ay –

(a)      Dib-u-eegis gudaha ah ku sameynayaan Sharci qabyo ah oo la xiriira wax ka bedalka Dastuurka iyo warbixinta la socota hab waafaqsan faqradda 7;

(b)     In dadweynaha ku wargaliso soo jeedinta iyo warbixinta ;

(c)      In ay hubiso in fursad ku filan oo dadweynuhu kaga doodi karaan jirto ;

(d)     In ay la tashato xubnaha dadwaynaha iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

(e)      Hawl gali golayaasha sharci dejinta ee Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka kuna daraan waxyaalaha ay soo gudbiyeen oo lays waafajiyey wax ka badelka la soo jeediyey, haddiii arrintu taabanayso danaha gobolka.

(9)       Haddii wada tashi ka dib sida ku xusan faqradda (8) guddiga lasocodku go’- aamiso in ay ku darto soo jeedinno kala duwan wax ka beddelka Dastuurka ama sharci qabyo ah ee la soo jeeiyay, ay ku celiyaan wax ka bedelka dastuurka la soo jeediyey ama sharci qabyo ah oo gudida dibu eegista iyo hirgalinta for redrafting, with instructions.

(10)     Haddii markaa ka dib marka la sameeyo latashiga ku xusan faqradda (8) guddida la socodku go’aamiso in ay gudbiso wax ka bedelka Dastuurka ee la soo jeediyay ama sharci qabyo ah si loo ansixiyo, waxa ay u gudbin doontaa wax ka bedelka Dastuurka ee la soo jeediyay guddoomiyaha aqalka shacabka, iyada oo warbixintuna la socota, si hore loogu sii socdo hab wafaqsan Dastuurkan.

(11)     Guddida la -socodku wax ay ku wargalin doontaa saddexdii biloodba mar labada aqal horumarka laga sameeyey dhamaystirka mashruuca lagu xusay jadwalka kow (C) iyo kow (D) iyo sida uu dhigayo marka la fiiriyo wixii ka soo baxay golaha Dastuurka ee qaranka sida ku dhigan xeerka lagu abuurayo golaha Dastuurka ee qaranka.

(12)     Guddiga la socodka/kormeerka waxaa muddadiisu dhammaaneysaa marka lagu ansixiyo kala dirkiisa aqlabiyad fudud (50% lagu daray 1) tirada mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya,

Qodobka 134aad . Qaybaha ku dabaqma wax ka beddelka Dastuurka ee lasoo jeediyay ka hor inta aanay dhammaan muddada koowaad ee wakhtigaBaarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya: Guddiga dib-u-eegista iyo Hirgalinta

(1)       Dastuurkani waxaa uu abuurayaa Guddiga ee dib-u-eegista iyo Hirgalinta iyaga oo ah guddi hoos tagaya guddida la socodka hab waafaqsan qodobka 133.

(2)       bilawga muddada xileed ee koowaad ee Aqalka Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Wasiirka u xilsaaran ayaa u soo magacaabi doona Ra’iisul Wasaaraha shan xubnood oo ka mid noqon doona Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka kuwaasoo wasiirka u xilsaaran uu kasoo xulayo liis ay soo diyaariyeen Golaha Wasiirrada. Waxaa intaa dheer, Dawlad goboleedyada jira ee Xubnaha ka ah Federaalku waa in ay u soo magacaabaan mid waliba hal ergay oo kale oo dheeraad ah guddida dibu eegista iyo hirgalinta , taasoo ku salaysan isla shuruudda doorashada.

(3)       Wasiirka u xilsaaran waxaa uu dooran doonaa magacaabista qof aan xubin baarlamaan ahayn, kaasoo buuxiya shuruudaha soo socda oo lagu magacaabayo Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta:

(a)      Leh anshax iyo sumcad wanaagsan;

(b)     Shahaado ka sita jaamacad la aqoonsan yahay ;

(c)      Ku muujiyey karti heerar sare dhinaca maamulka dadweynaha ama xagga sharciga ee Soomaliya dhexdeeda, ama

(d)     In uu u leeyahay aqoon iyo khibrad ugu yaraan toban sanno arrimo la xiriira mid ka mid ah kuwa soo socda:

  1. Sharciga, Maamulka dadweynaha , Dhaqaalaha , Jinsiga Xuquuqda Aadanaha , iyo

(e)      In uu shaqo wanaagsan ka soo qabtay shaqadiisa ama majaalka uu ku takhasusay qofka la magacaabay.

(f)      In uu leeyahay waaya-aragnimo badan oo la xiiriita sharci qorista.

(4)       Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu soo hordhigi doonaa magacyada dadkii la soo magacaabay mid kasta oo ka mid ah labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya 15 maalmood gudahood marka Golaha Wasiirrada la abuuro, iyaga oo afar iyo toban cisho gudahood ku ansixin doona ama ku diidi doona mid ama ka badan oo ka mid ah dadka la soo magacaabay

(5)       Haddii mid ka mid ah labada aqal diido qof la soo magacaabay, Wasiirka u xilsaaran waxaa uu si waafaqsan faqradda (3) u soo magacaabi doonaa beddelkii qofkaas, intaa ka dibna waxaa uu raaci doonaa habraaca ku dhigan faqradaha 4 ilaa 6.

(6)       Ka dib marka Baarlamaanka Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya uu doorto shan qof oo lasoo magacaabay hab waafaqsan qodob-hoosaadyadaa (4) iyo (5) , Ra’isul wasaaruhu waxaa uu u astayn doonaa mid ka mid ah dadkaas la soo magacaabay Guddoomiye, waxaanu u diri doonaa magacyadooda madaxwaynaha isagoo isna u magacaabi doona Guddoomiye qofka Ra’isul wasaaruhu uu u asteeyey, labada kalena, Xubno ka tirsan Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta.

(7)       Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalintu waa in ay:

(a)      Sida laga yaabo in uu Guddiga La-Socodku amro, waxaa loo baahan karaa in wax laga beddelo Dastuurka sida ku qoran Jadwlka Koowaad (C), ama la soo jeediyo sharci qabyo ah sida lagu magcaabay Jadwalka (D), ama sidii kale ee hadba loo baahdo iyada oo daba socota waxa ka soo baxa Golaha Ta’siisiga ah ee Qaranka

(b)        diyaariyaan warbixin daraasadeed oo lagu lifaaqo wax ka bedelka lasoo jeediyey ama sharci qabyo ah. Warbixintaasoo, hab waafaqsan cadaymaha, sababaynaysa

waxka bedelka lasoo jeediyey ama mashruuca sharci kana saadaalinaysa ixtimaalka in wax ka bedelka lasoo jeediyay ama mashruuca ay ka dhalan karto hab dhaqankii la rabay, iyo in hab dhaqankaasi uu dib u qaabayn ku sameeyo dhibaatada bulsho ee wax ka bedelka la soo jeediyey ama mashruuca sharci uu higsanayo;

(c)      sameeyaan daraasadda sharci iyo ta xaqiiqo ee lama huraanka ah si ay u gudato xilalka ku xusan baragaraafyada (a) iyo (b);

(d)     sameeyaan hab waafaqsan Qodobka 133 (7), u gudbi guddiga la socodka wax ka bedelka lasoo jeediyay oo dhamaystiran ama mashruuca sharci la-socda warbixininta lagu xusuy baragaraafka (b) u gudbiyaan Guddiga La-socodka;

(e)      warbixin ka siiso sadexdii biloodba mar ama marka ay ka codsato Guddiga la socodka horumarka laga gaarey dib-u-eegista iyo hirgalinta lagu Dastuurkan iyo caqabad kasta oo ka hor imanaysa geeddi-socdka dib-u-eegista iyo hirgalinta.

(f)      in ay Guddoomiyaha Garsoorka ee Maxkamadda Dastuurka kala shaqeeyaan dastuurinimada soo-jeedinta, ; iyo

(g)       iyada oo loo fiirinayo hadba inta miisaaniyaddu le’eg tahay, in la qoro shaqaale ku filan in ay u guttaan xilkooda hab waafaqsan Dastuurkan

Goobjoog News