U bood dhigaalka

Qodobbada Ugu Muhiimsan Khudbaddaha Cali Ameriko, Tarsan, A/risaq, Yaasiin Iyo Malaadiin

Sheeko:Dalka

Galabta gellinka dambe waxaa baarlamaanka ka hor khudbeeyay ilaa 5 murashax kuwaas oo kala ah: Maxamed Cali Nuur (Ameeriko), Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), Maxamed C/risaaq, Xaaji Maxamed yaasiin Ismaaciil iyo Axmed Maxamed Cabdi.

Ugu horeyn, Maxamed Nur Cali Ameriko waxaa uu sheegey in haddii la doorto uu gacan siin doono dadka dan yarta ah, uuna yareyn doono farqiga taajirka iyo faqiirka, waxaa kaloo uu ballan-qaadey in laga maarmi doono gargaarka iyo deeqaha shishiiye.

Cali Ameriko, waxaa uu balla-qaadey sidoo kale xasilooni siyaasadeed, mid amni, in ciidamo gaar ah Muqdisho ka shaqeyn doonaan, dib u heshiisiin iyo iscafis, garsoor madaxbanaan iyo in uu sameyn doono lacag shillin ah Soomaali ah oo qiimo badan.

Maxamud Maxamed Tarsan oo goobta ka hadley waxaa uu baarlamaanka uga sheekeeyay Oorfanenimada uu ku soo korey, isbadalka uu ku dameeyay markii uu noqdey guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo arrimo kale.

Tarsan waxaa uu ballan-qaadey in uu dhisi doono ciidan tayo leh iyo sirdoon waxtar leh, ilaa 20,000 ciidan, askariga in uu qaadan doono $300, halkii askari in uu qaadan doono 4 joog oo dhar ah, 2 sano gudahood in uu yareyn doono 50% AMISOM, dhalinyarada in uu shaqo abuur u sameyn doono, in lacag badan u qori doono hey’adaha garsoorka iyo maxkamadaha iyo arrimo kale.

Maxamed Cabdirisaq oo isna xildhibaannada la hadley waxaa uu sheegey in uu xogga saari doono xushmeynta dastuurka mar haddii uu noqonayo “Head of state” , isagoo intaa raaciyay in uu ka shaqeyn doono midnimada, dib u heshiisiinta, la dagaalanka musuqa, waxaa uu dhaleeceeyay in dowladda Itoobiya noqotey dowladda dhexe, waxaa kaloo uu sheegey in la faa’ideysan doono xoolaha, shidaalka oo Soomaaliya uu sheegey iney ku jirto 7bada dale e ugu shidaalka badan.

Xaaji Maxamed Yaasin, waxaa Xildhibaannada ka hor sheegey in uu dalka ku xukumi kitaabka ilaahey, isagoo dastuurka ku sheegey mid shaqadiisu tahay kala maareyn, 57 sano oo xuriyaddii kadib ah waxaa uu leeyahay waa waqti ka lumey umadda Soomaaliyeed.

Waxaa uu Xaajiga la yaabey Xildhibaanno dhahaya waxaan ku jirnaa kutlo, xisbi ama koox gaar, codeynteenu waa halkaas, arrintaas uu ku sheegey mid ka hor imaaneysa qaabkii loo doortay iyo wax laga sugayo.

Xaaji Yaasin waxaa uu Xildhibaannada tusey khariidadda Soomaaliya isagoo sheegey in uu wax badan ka qaban doono shaqo siinta dhalinyarada oo marka la isku daro kalluunka, beeraha ay gaari doonaan ilaa 500,000 oo dhalinyaro ah oo ka shaqeyn doonta mid Raaskaambooni ilaa Zeylac.

Ugu dambeyntii waxaa uu umadda u sheegey u sheegey in Al-shabaab aanu dagaal kala hortagi doonin oo sida uu sheegey uu isaga uga horeeyay kitaab ku dhaqista Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale xildhibaannada ka hor khudbeeyay Axmed Maxamed Cabdi Malaadiin oo ka tirsan sirdoonka Imaaraadka, ninkan waxaa uu sheegey in uu xoogga saari doono dhismaha ciidan amni iyo mid mukhaabaraad oo tiro yar.

Goobjoog News