U bood dhigaalka

Qof labaad oo Puntland Ugu Geeriyooday Xanuunka Covid19 Halka La Helay Korarka Kiisas Cusub

Sheeko:Caafimaadka

Wasaaradda caafimaadka dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay in qof labaad uu geeriyooday xanuunka COVID-19 wasaaradda ayaana intaas ku dartay in ruuxaan horay loogu arkay calaamadaha Coronavirus ka dib wasaaraddu ay karaantiil ku samayasay.

Wasaaradda ayaa sidoo kale ku sheegtay warbixinteeda maalinlaha ah ee wasaaradda in baaritaan lagu sameeyey 22 ruux oo ku sugan deegaannada Puntland xanuunka laga helay ilaa 8 ruux kuwaas oo ku kala nool gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug sida wasaaraddu ay ku sheegtay qoraal kooban oo ay soo gelisay barteeda Facebooke.

Wasiirka waafimaadka Caafimaadka dowlad goboleedka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa dhanka kale xusay  inay walaac badan Puntland ay ka qabto faafitaanka Feyruska COVID-19 ,isla markaana Shacabka reer Puntland ay yihiin kuwo aan feejignaan badan ka qabin Cudurka iyo faafitaanka uu bulshada ku dhex samaynayo isaga oo guud ahaan shacabka ugu baaqay in ay feeljignaan badan muujiyaan.

“07 May, 2020: Sida uu wasiirka caafimaadka dawlada Puntland Dr Jamac Farax Xasan caawa warbaahinta usheegay waxaa korortay 24 saac ee la soo dhaafay dadka laga helayo xanuunka Covid 19.

Wasiirka ayaa cadeeyay in maanta la baaray 22 ruux , xanuunkana laga helay 8 qof oo rag ah.

Dadka laga helay waxaa ku jira labo ka mid ah wasiiradda Puntland oo xaaladooda ay wanagsantahy.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in qofkii labaad uu Puntland maanta ugu geeriyooday xarunta kaas oo ku dhintay xarunta karantiilka Garowe.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan ayaa sheegay in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay noqonayso 59 Halka labo qof ay ugeeriyoodeen xanuunka”

Xaaladda guud faafitaanka xanuunka Coronavirus ayaa saamayntiisa maalinba maalinta ka dambayso lagu arkayaa gobolada dalka iyadoo dhammaan dowlad goboleedyada dalka ay xaqiijiyeen kiisas kala duwan oo xanuunka COVID-19, magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa ilaa iyo hadda ah goobta ugu badan ee lagu arka kiisaska.

Goobjoog News