U bood dhigaalka

Qof Rayid Ah Oo Lagu Dilay Degmada Wadajir Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay waxay qof shacab ah ku dileen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhaqan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in qofka la dilay uu ka mid ahaa dadka degamadaasi deggan, hase ahaatee lama oga ulajeedka ka dambeysay dilkiisa.

Dadkii dilka ka dambeeyay ayaa isaga baxsaday goobtaasi, waxaana dilka ka dib halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo howlgallo sameemeeyay.

Goobjoog News xiriir ay la sameysay maamulka degmada Wadajir ayaan suurta gelin si aynu wax uga weydiinno shaqsigan la dilay iyo cidda dilkiisa ka dameysay.

Goobjoog News