U bood dhigaalka

Qof Shacab Ah Oo Lagu Dilay Degmada Dhuusamareeb Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in nin hubeysan uu rasaaseeyay nin kale oo shacab ah kaas oo fadhiyay maqaaxi ku taalla magaaladaasi.

Goojooge ku sugan degmada Dhuusamareeb ayaa Goobjoog News u sheegay in ninka la dilay uu markii hore soo gaaray dhaawac xooggan.

Maamulka degmada ayaa ku raad jooga ninka wax dilay, iyadoo maalmihii dambe gobalka Galgaduud deegaanno kamid ah ay kasoo cusboonaadeen dilal ku saleysan aanooyin qabiil.

Dhanka kale xaaladda guud ee demada Dhuusamareeb ayaa saaka ah mid aad u deggan, iyadoo ciidamada Ahlu-sunna ay wadaan howlgallo.

Goobjoog News