U bood dhigaalka

Qof Shacab Ah Oo Lagu Dilay Duleedka Degmada Xarardheere ee gobalka Mudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

XararKoox Hubaysan ayaa qof la sheegay in uu shacab ah yahay waxa ay ku dileen deegaan 30-km u jirta degmada Xarardheere ee gobalka Mudug.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Xarardheere ayaa u sheegay Goobjoog Fm, in qofka la dilay uu ka mid ahaa dhalinyarada degmadaasi, hase ahaatee aan la ogeyn cidda dilkiisa ka dambeysay iyo sababta loo dilay.

Dilka ka dib ayaa la sheegay in wal wal uu soo wajahay shacabka ku dhaqan Xarardheere iyo sidoo kale tuulooyinka hoostaga, iyadoo aanay jirin cid ilaa iyo hadda loo maleynayo in dilkaasi ay ka dambeysay.

Deegaanka dilkaan uu ka dhacay loogama baran dilalka sidaan oo kale ah, waxaana Meydka Marxuumkii la dilay loo qaadan dhanka Xarardheere.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News