U bood dhigaalka

Qofkii Ugu Horeeyey oo Coronavirus Ugu Geeriyooday Deegannada Puntland

Sheeko:Caafimaadka

Bukaankii ugu horeeyey oo laga helay xanuunka Coronavirus ayaa deegaannada dowlad goboleedka Puntland ugu geeriyooday xanuunkaas ka dib markii horay loo karaantiilay maadaama looga shakiyey COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Puntland  Dr Jaamac Faarax ayaa faahfaahin ka bixisay kiiskaan soo kordhay isaga oo xustay in bukaanka horay dheecaan looga qaaday si loo soo baaroo kaas oo loo diray wadanka Kenya.

Marxuumka ayaa 21-ki bishaan April 2020-ka ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug wasaaradda ayaana markaasi ka qaaday dheecaan si loo xaqiijiso  in uu qabo xanuunka Coronavirus kadib baaritaankii ayaa lagu ogaaday in bukaanka uu laxanuunsanaa COVID-19.

Kiiskaan ayaa waxaa uu noqonayaa kiiskii ugu horeeyey oo dhimasho ah oo laga diiwaan geliyo dowlag goboleedka Puntland iyadoo ay xusid mudantahay inuu noqonayo dowlad goboleedkii labaad oo xaqiijiya kiiska dhimashada maadaama horay wasiiru dowle ka tirsanaa Hirshabeelle uu u geeriyooday xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

Dhanka kale Somaliland ayaa maalimadii shalay xaqiijisay inuu qofkii ugu horeeyey ugu geeriyooday xanuunka COVID-19 deegaanadeeda, kaas oo ku geeriyooday magaalada Boorama kaas oo haray loo sheegay inuu qabo xanuunka Coronavirus.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qofkaasi oo ahaa dhalinyaro uu ku jiray xarun karantiil oo ku taalla magaalada Boorama,isla markaana dheecaan laga qaaday loo diray baaritaan,hayeeshee inta aan la helin jawaabta uu geeriyooday.

Meydka marxuumka ayaa waxaa aaskiisa ka qeyb qaatay shaqaale waaxda Caafimaadka Soomaaliland ka tirsan oo la diyaariyey iyo dad kooban oo kamid ah eheladiisa,sida ay sheegeen wariyeyaal ku sugan Magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waana kiiskii ugu horeeyey oo dhimasho ah oo laga diiwaan geliyey deegaannada Somaliland.

Goobjoog News