U bood dhigaalka

Qoondada Wasaaradaha Federaalka ah ee Miisaaniyadda 2022-ka, Ogow Wasaaradaha Muhiimka ah?

Sheeko:Amniga

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu matalayey wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ayaa axaddii 12-kii bishan waxaa ay kulanka wadajirka ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ka qeybisay xeerka qoondada miisaaniyadda 2022-ka oo wadar ahaan kutalagalku yahay $918,666,761.

Haddaba, Goobjoog News oo soo akhrisay miisaaniyadda ayaa akhristeyaasheeda waxaa ay usoo bandhigeysaa qeybta ku saabsan qoondada wasaaradaha federaalka ah uga soo aadeysa miisaaniyadda 2022-ka.

Shaxdan Hoose, waxaan u kala hormarinay sida ay wasaaradaha ay qoondo ahaan u kala lacag badan yihiin:

1. Maaliyadda iyo Mashaariicda waxaa loogu talagalay: $206,780,958, Wasaaradda Maaliyadda ayaa qoondo ahaan ku leh: $10,845,840 halka inta soo harta loo qoondeeyey  mashaariic, xafiiska xisaabiyaha guud, adeegga guud ee dowladda, agaasinka xarunta warbixinnada maaliyadda iyo hey’adda iibka qaranka.

2. Waxbarashada iyo Tacliinta sare waxaa guud ahaan loo qorsheeyey: $30,169,026, Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare waxaa ay lacag ahaan heli doontaa: $8,423,355 halka inta soo hartay lacagta loo qeybin doono mashaariic, jaamacadda umadda, akaademiyadda fanka iyo suugaanta iyo akaademiyo goboleedka Afka Soomaaliga.

3. Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Mashaariicda waxaa uu guud ahaan ku bixi doonta: 16,357,476, Wasaaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ah ayaa qoondo ku heli doonta: $7,298,283 halka lacagta soo hartay lagu qarash gareyn doono mashaariicda SURP, SURP PH2, SUIP, guddiga qaxootiga qaranka iyo barakacyaasha, iyo hey’adda diiwaangelinta dadweynaha.

4. Warfaafinta waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $6,217,798, Wasaaradda Warfaafinta waxaa ay qeyb ahaan heli doontaa: $6,217,798.

5. Caafimaadka waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $58,583,344, Wasaaradda  Caafimaadka waxaa ay lacagtaas ka heli doontaa: $3,669,096 halka 54 milyan oo doolar ka badan lagu bixin doono mashaariic.

6. Arrimaha dibadda waxaa guud ahaan ku bixi doona 2022: $10,375,403, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa qoonda ahaan ku leh: $3,645,903, inta soo hartana waa qoondada safaaradaha.

7. Ganacsiga iyo Warshadaha waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $4,639,150, Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha waxaa ay heli doontaa: $2,776,850 inta soo hartana hey’adda tayo-dhowrka.

8. Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $17,716,538, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulsita waxaa ay ku leedahay: $2,372,296 halka 15 milyan oo doolar ka badan ay leedahay hey’adda saadaasha iyo duulista hawada.

9. Wasaaradda Dastuurka ayaa qoondo ahaan heli doonta: $2,211,799, waa kulli ahaan inta loogu talagalay dastuurka.

10. Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $29,341,548, Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ayaa qoondo ahaan u leh: $2,193,836, inta soo hartana waa qoondooyinka Mashruuca Biyoole, Hey’adda Tirakoobka qaranka iyo mashaariic hoos yimaada hey’adda.

11. Kalluumeysgiga iyo Kheyraadka Badda waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $2,794,108, Wasaaradda Kaluumeysiga waxaa ay lacag ahaan leedahay: $1,928,324, inta soo hartana lacagta waxaa leh hey’adda cilmi barista badaha iyo mashruuca horumarinta xeebaha.

12. Boostada iyo Isgaarsiinta waxaa ay guud ahaan qoonda u heshay: $3,005,874, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta waxaa ay qeyb ahaan u heleysaa: $1,839,270 halka lacagta soo hartay loo qeybinayo mashruuca ICT iyo hey’adda isgaarsiinta qaranka.

13. Beeraha guud ahaan waxaa loo qoondeeyey: $2,098,176, Wasaaradda Beeraha waxay ku leedahay: $1,829,756.

14. Cadaaladda waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $12,175,074, Wasaaradda Cadaaladda ayaa qoondo ahaan u heleysa: $1,767,438 halka lacagta soo hartay ay 10 milyan oo doolar ka badan ku bixi doonta ciidanka Asluubta.

15. Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $231,759,484, Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ay heli doontaa: $1,763,836 halka inta soo hartay lasiin doono mashruuca Baxnaano.

16. Hawlaha Guud iyo Dib u Dhiska waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $31,380,269, Wasaaradda Hawlaha guud waxaa ay lacag ahaan leedahay : $1,676,212 halka lacagta inta soo hartay oo ka badan 29 milyan oo Doolar loogu talagalay mashaariic.

17. Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $2,680,484, Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxaa ay ku leedahay: $1,659,184 inta soo hartana dekadda Xamar.

18. Arrimaha Diinta iyo Awqaafta waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $1,433,640, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa heli doonta: $1,383,640.

19. Macdanta waxaa guud ahaan ku baxeysa $2,345,732, Wasaaradda Macdanta waxay ku leedahay $1,338,692 inta kale lacagta waa hey’adda Batroorka iyo mashruuca SOPYAP.

20. Gargaarka iyo Maareynta Musiibiiyinka waxaa guud ahaan ku bixi doonta: $1,450,832, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa heli doonta $1,278,332.

21. Difaaca ayaa guud ahaan loo qoondeeyey: $97,589,477, Wasaaradda Gashaandhigga ayaa ku leh: $1,264,643 halka lacagta inta soo harta ay leeyihiin taliska ciidamada xoogga dalka, maxakamadda ciidanka iyo hey’adda naafada iyo agoonta ciidanka xoogga dalka.

22. Tamarta iyo Biyaha waxaa guud ahaan ku bixi doonta: $6,703,452, Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha waxay ku leedahay: $1,264,072 halka lacagta inta ugu badan ku bixi doonto mashruuca SEAP.

23. Amniga Gudaha waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $70,026,086, Wasaaradda amniga waxaa ay ku lahaan doontaa: $1,149,292 halka lacagta soo hartay loo qorsheeyey taliska ciidanka booliiska, hey’adda nabad sugidda qaranka iyo hey’adda jinsiyadaha iyo socdaalka.

24. Xanaanada Xoolaha waxaa guud ahaan ku bixi doonta: $3,485,098, Wasaaradda Xanaanada xoolaha waxaa ay lacag ahaan heli doontaa: $1,067,332.

25. Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $2,333,154, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha waxaa ay qoondo ahaan u heshay: $910,084

26. Isboortiga iyo Dhalinyarada waxaa guud ahaan loo qoondeeyey: $909,460, Wasaaradda Isboortiga iyo dhalinyarada waxaa ay lacag ahaan qoondo u heshay: $909,460.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye