U bood dhigaalka

Qoor Qoor Oo Muqdisho Soo Gaaray, Akhriso Jadwalka Imaanshaha Madaxda Kale

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw magaalada muqdisho soo gaaray madaxweeynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor .

Qoor Qoor ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka oo la filaya in uu berri oo khamiis ah ka furmi doono Afisyooni.

Warar ay heshay GoobJoog News  ayaa sheegaya in gelinka hore ee berri oo khamiis ah la filayo in madaxweeynayaasha Jubbaland iyo Koonfur galbeed ay soo gaaran magaalada Muqdisho .

Dhinaca kale Madaxweeynaha dowlad gobaleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa isna la filayaa in berri gelinka dambe uu soo gaaro magaalada Muqdisho .

Dhanka kale waxaan la ogeyn goorta uu imaan doono madaxweeynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, kaas oo ka mid ah madaxda ka qeyb galeysa shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirkan xukuumadda ay garwadeenka ka tahay ayaa yimid kadib markii la fashiliyay qorsha Farmaajo uu mudda kordhin ku sameystay.

GoobJoog News