U bood dhigaalka

Qoor-Qoor Oo Shaaciyay Liiska Musharixiintii Aqalka Sare Ee Dhineyd

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa shaaciyay liiska laba kursi oo ka mid ah kuraasta aqalka sare galmudug ay ku leedahay.

Qoor-Qoor oo in mudda ah ku dhaganaa magacaabista xubnaha liiskan ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay Musharixiinta labadaan kursi.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku tartamaya labada musharax ee kala ah Cabdi Xasan Cawaale(Qaybdiid) iyo Cawil Nuur Cali, halka kursiga kale ay ku tartamayaan musharixiinta kala ah Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Labada kursi ayaa buuxin doonto lix kursi oo horay galmudug ay u dooratay kuwaas oo aqalka sare ku matali doona maamulkaas.