U bood dhigaalka

Qoorqoor: Eedda 80% Aniga iyo Lafta-gareen ayaa Qaadannay. Deni:  Innaga wax Wanaagsan ayaa daba dhigi doonaa

Sheeko:Amniga

Is eedeyn xagga hufnaan la’aanta doorashada golaha shacabka ah ayaa xalay hareysay xaflad lagu maamuusayey 3 sano kadib doorashadii Cabdicaziz Lafta-gareen oo ka dhacday magaalada Baydhabo, ee xarunta maamul goboleedka Koonfur galbeed.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in wixii eed ahaa ee doorashada la xiriiray ay 80% qaateen isaga iyo dhiggiisa Koonfur galbeed Cabdi Caziz Lafta-gareen isaga oo ugu baaqay madaxweynaha Puntland Saciid Deni inuu doorashada bilaabo, oo uu dowlad goboleedyada kale la qeybsado eedaha 20% ee dhimman tiiyoo uu Deni ka biyo-diiday isaga oo sheegay in aanu raaci dooni waddada ay mareen balse uu wax fiican qaban doono.

Madaxweynaha Galmudug oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu yiri “Madaxweyne Saciid ayaa fadhiyo caawa xoogaa ayuu dib dhigay, hadda ayaan ka sugeynaa inuu eedda dhiniciisa ka qaato, eedda badan inaga ayaa qaadanayey inta kale qaado adigu, waxyar ayaa haray 80% aniga iyo Cabdicaziz ayaa qaadanay 20 qeybsada intiina kale”.

Madaxweynaha Puntland oo ka jawaabayey hadalka dhiggiisa Galmudug ayaa waxaa uu yiri ““Saaxiibada halkan ka hadlay, madaxweyne qoorqoor, haddii uu yiri 80% innaga ayaa qaadanay, insha allah qaladka inta ka dhimanna iyaga ayaa iska qaadanaya, innaga wax wanaagsan ayaa daba dhigi doonaa, wax wanaagsan iney hagaagaan baan rajeyneynaa, dalkana doorasho lagu qanasan yahay iney ka dhacdo ayaan rajeyneynaa”.

Haddaba, kadib haddalada kulul ee ay is dhaafsadeen madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug, waxaa isna gabagabadii goobta ka hadlay madaxweynaha Koonfur galbeed isaga oo isku dayey inuu dib ka saxi hadalka qoorqoor.

Cabdicaziz Lafta-gareen ayaa waxaa uu yiri “Hal arrin oo muhiim ah, oo madaxweyne Qoorqoor uu sheegay, madaxweyne Saciidna uu dambi nooga dhigay inaan faahfaahiyo, madaxweyne Qoorqoor 80% innaga ayaa dabmi galnay ma dhihin, cabashadan ninkii xusuusan ayaa xusuusan, hal qof oo golaha shacabka aan lasoo dooran ayaa waxaa la dhahayey doorasho ayaa la boobayaa, xataa ma la gaarin yaa..maxaa la boobaa, doorasho ayaa la galay, 4 qabiil ayaan u qabanay, yaan ka boobnay, qabiilkii iska lahaa baa la doortay, micnaha waxba lagaama sheegi doono ayaa laga wadaa ee ma ah inaga ayaa qalad sameynay”.

Arrimaha madaxda maamul goboleedyada iyo is eedeyntooda ayaa imaanaya maalmo kadib markii uu madaxweynaha ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Daba-geed ku dhawaaqay iney doorashada soo saari doonaan cidda ay iyagu rabaan.

Hadalka Daba-geed iyo is-eedeynta madaxda maamulka goboleedyada ee xalay waxaa ay dibadda usoo saartay boobka ay wadaan madaxda maamul goboleedyada, taasi oo sii xoojineysa tuhunkii la qabay ee la xiriiray leexinta kuraasta.

Ilaa hadda doorashada golaha shacabka dhacday waxaa uu muran badan ka jiray meelaha lagu qabtay sida Koonfur galbeed, Galmudug iyo xataa doorashada Somalilanad ama gobollada waqooyi eek a dhacday Xamar.

Koonfur galbeed marka laga soo tago in kuraasta dad gaar ah loo xiray hadana waxaa dib loo celiyey kursiga loo diiday inuu u tartamo guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Dhanka Galmudug, waxaa si muran ku jiro lagu soo saaray agaasimaha NISA Yaasiin Fareey iyada oo loo diiday in lagula tartamo halka Somaliland ay soo baxeen xildhibaanno dood laga keenay, lana hakiyey sababo la xiriira boob.

Doorashada golaha shacabka oo jadwalkii ugu dambeeyey lagu sheegay in 24-ka bishan lasoo gabagabeyn doono ayaa waxaa ka jira hubanti la’aan la xiriirta goorta ay dhammaan doonto.

Goobjoog News