U bood dhigaalka

Qoorqoor, Laftagareen iyo Waare oo Kusoo Biiraya Shirka Villa Somalia iyo Deni, Madoobe

Sheeko:Amniga

Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koonfur galbeed iyo Hirshabelle ayaa la filayaa iney kusoo biiraan saacadaha soo socda wada hadallada la qorsheynayo inuu dhexmaro maamulka Farmaajo iyo dowlad goboleedyada.

Ilo ku dhow Villa Somalia ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in shir saacadihii tagay dhexmaray Farmaajo iyo Deni, Madoobe la isku afgartay labo arrin:

In guddi mid labo xubin ah loo saaro xal ka gaarista loolanka Farmaajo iyo Madoobe ee Gedo, waxaana la filayaa in guddiga uu xaliyo cabashada Axmed Madoobe ee ah in ciidamada DF ay ka soo baxaan Gedo, maamulkiisana dib loogu soo celiyo.

In ay shirka yimaadaan dowlad goboleedyada maqan ee Galmudug, Koonfur galbeed iyo Hirshabelle si  loo ambaqaado Dhuusamareeb 3, oo dhammaadka usoo baxaan qodobo doorasho oo wadar ogol ah, la iskuna waafaqsanyahay.

Arrimahan ayaa ku yimid shirar aan rasmi aheyn oo dhexmaray Farmaajo iyo Deni, madoobe iyada oo labada nin ee dambe ay arrintan codsadeen, waxaana la isla meeldhigay ajendeyaasha shirka iyo in xal laga gaaro arrimaha cakiran.

Goobjoog News