U bood dhigaalka

QOORQOOR: NIN ISKA MAAHINAYA DULMIGA DOORASHO EE UU FALAY

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Galmudug oo taageerayaashiisa la hadlayey habeennimadii arbacada ayaa waxaa uu sheegay in si aanu waqti dambe u lumin, loo baahanyahay in horay loo galo dhaarinta xildhibaannada baarlamaanka federaalka ah iyo iney doortaan guddoon cusub.

Madaxweyne Qoorqoor oo arrintaasi ka hadlayo waxaa uu yiri ““ Annaga haddii aan nahay reer Galmudug waxaan doorashada u billownay, waqtigii loogu talagalayna u dhammeynay, waxay aheyd waqtigii ka lumay dalka inuusan dib uga sii lumin, oo doorashadii la galo, oo saxiibbadii beesha caalamka oo Soomaaliya gacan siinayey aysan niyadjab intaan ka badan nagu qabin, oo Soomaalidu dhibaato intaa ka badan kusii jirin, doorashadana iney qabsoonto wax badan ayaa ku xiran, waxaa ku xiran la dagaallanka argagixisada, waxaa ku xiran la dagaallanka abaaraha iyo dhibaatada, waxaa ku xiran dalka inuu horay u socdo, inta aan sheegnana waa ay ka faa’ideysaneysaa dib u dhaca iyo kala daadashada, oo ay ugu daran tahay argagixisadu, sidaa darteed, dalka inta uu dib u dhac qabo ayaa ku filan, waxaan dooneynaa in maaddaama uu dhammaaday waqtigii ugu dambeeyey oo la isu qabtay in doorashada horay loo galo si waafaqsan heshiisyadii la galay, uuna dalku ka baxo kala dabacaas iyo jiitankaas soo jiray muddada dheer, waqti uma baahna la sii wado, waxay u baahan tahay hadda in hadda horay laga iclaamiyo, baarlamaanka isu tago ay doortaan guddoonkii baarlamaanka”.

Arrintan uu Qoorqoor ka sheegay xaflad ka dhacday Galkacyo waxay ka hor imaaneysaa qoraal kasoo baxay maamulkiisa 15-kii bishan, kaas oo lagu diiday baaqii  FEIT ee xildhibaannada ee ahaa iney keenaan dokementiyada, la hubiyo, ku dhawaaqaan natiijada rasmiga ah, kaddibna la soo xareeyo xildhibaannada, shahaado la siiyo, ayna wareejin doonaan galalka April 11,  si loo dhaariyo April 14.

Dhanka kale, Madaxweyne Cabdi Kaariye ayaa ka hadlay in doorashada ay daahday, oo hal sano ay dib u dhacday isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Doorashada waa ay daahday, oo hal sano ayey dib u dhacday, muddadaas uu dib dhicu yimidna wax badanbaa dib u dhacaasi uu keenay, oo runtii jiitanka doorashada uu geystay, caawa waqtigii ugu dambeeyey ee la qabtay waa midka ay Galmudug ku soo dhammeystirtay xildhibaannadii labada gole, waxaan rabnaa dalka inuusan dib dambe u noqon, xildhibaanno ku filan iyo in doorasho ku filan waa diyaar, waxaan dooneynaa in doorashada horay loo galo, oo aanu dalka ku sii jirin jiitan dambe iyo dib u dhac dambe”.

Qoorqoor waxaa uu qeyb ka ahaa in ay daahdo doorashada dadban muddadaas halka sano ah, isaga oo la safnaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Villa Somalia, kana shaqeeyey hakinta shirar madasha ahaa iyo carqaladeynta hannaanka doorasho uu hormuud ka ahaa ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweynaha Galmudug, waxaa intaa dheeraa dagaallo uu la galay Ahlu sunna oo bilo hakiyey doorashada ka socotay deegaankaasi.

Inta ay Galmudug ka socotay doorashada, waxyaabaha la diiwaangeliyey waxaa ka mid ah xulashada dhacday isaga oo soo saaray liiska uu rabo, musharraxiin badan oo Goobjoog la hadlay waxaa ay ka sheegteen sida Qoorqoor ugu tuntay dastuurka KMG ah, ugana hor istaagay inay tartamaan, taa beddelkeedana uu kuraasta u xiray dad gaar ah, xataa kuraasta uu furay waa kuwa ay u geysay cabsi iyo qoray caaraddii.

Goobjoog News