U bood dhigaalka

Qoorqoor oo Karinaya Mooshin uu Ku Tuurayo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa

Sheeko:Amniga

Axmed Kaariye Qoorqoor oo ah madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu wadaa mooshin uu sifo sharci darro ah jagada uga qaadayo ku xigeenkiisa Ciid.

Qoorqoor oo qaab sharaci darro ah markii hore ku yimid, labadii sano uu joogana ku dhaqmay wax walba oo ka baxsan heshiisyada bulsho ayaa hadda waxaa uu doonayaa inuu qaab gar-darro ah meesha uga saaro ku xigeenkiisa.

Madaxweyne Ki xigeenka mooshinka uu Qoorqoor ka wado, waxaa uu jiraa safar dibadda ah, waxaa muuqata inuu Qoorqoor Lacag iyo waqti gelin doono ridistiisa inta aanu soo laaban.

Qoorqoor oo muddo qalalaaso ku waday Galmudug, dagaalna kula jira Ahlu sunna iyo qeybo kale ayaa hadda waxaa uu jahowareer ka dhex bilaabayaa hey’adaha dowladda, gaar ahaan baarlamaanka.