U bood dhigaalka

Qoorqoor oo Noqday Hogaamiyaha Kaliya ee Ku haray Farmaajo iyo Shirkii Dhuusamareeb oo ku soo Dhammaaday Guuldarro

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ah midka keliya oo ilaa iyo hadda ku haray Farmaajo iyo Regime-kiisa ayaa todobaad gudahiisa tiro saddex jeer ku guuldareystay inuu xildhibaannada federaalka ah ee maamulkiisa lagu doortay ka gado dib u doorashada Farmaajo taasoo keentay in shirkii uu ugu wacay xildhibaanada kusoo idlaaday natiija la’aan iyo waqti lumis.

Xogo iyo ilo wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in Qoorqoor uu mid mid ula fariistay xildhibaannada isaga oo Qaarkood si cad ugu sheegay doonistiisa ah dib u doorashada Farmaajo halka qaarna uu kala cabsaday in uu ku soo hadalqaado Farmaajo isaga oo si duurxulid ah ku gaabsaday, laakin labada kooxba waa ay ka diideen dalabkiisa iyo dareenkiisa qarsoonba iyaga oo taa badalkeedana u sheegay in Farmaajo uusan ku habooneyn marxaladda lagu jiro halis ku yahay dowladnimada Soomaaliyeed.

Waxaa nasiib dara weyn in ah in Qoorqoor wali ku haminayo in Farmaajo dib loogu doorto talada dowladnimada Soomaaliya.

Waxaa kale oo xusid mudan in mid ka mid ah kulamadii uu Qoorqoor la yeeshay Xildhibaanada  23-kii bishan uu Xildhibaan Mahad Salaad oo ka hadlay kulankaas uu yiri “Madaxweynow-Qoorqoor-, dadkan reer Mudugga ah ee afkaaraha kala gedisan qaba inaad mid daawo isugu darto ayaa loo baahan yahay ee tii bisadda iyo tii libaaxa, ..waxaan kaa codsaneynaa in bas aakhiro u socda boostiijadiisa aadan nagu dejin’”.

Xildhibaannada qaar oo qeyb ka ahaa kulamada uu sida gaar gaarka ula yeeshay Qoorqoor oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegaya in Qoorqoor uu lacag ka qaatay markii ay ololaha ku jireen, isla markaana aanu ku laheyn wax abaal ah, xaqna ugu laheyn inuu u meeriyo wax ay codkooda ka yeelayaan.

Qoorqoor oo ahaa rajada keliya ee Farmaajo leeyahay ayaa la sheegayaa inuu niyad jab kala kulmay xildhibaannada federaalka ah ee Galmudug laga soo doortay.

Qoorqoor oo walba dhaadhaajiya ama isku dhiririya madaxweynaha maamulka ay dariska yihiin ee Puntland Saciid Deni, ayaa hada waxaa muuqata inuu ku guuldareystay qancinta xildhibaannada Galmudug, taasna ay ka dhigtay nin ku hungoobay barnaamijkii uu damacsanaa iyo qorshihii uu magaalada Muqdisho la iman lahaa.

Xildhibaanadii maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhusamareeb ayaa maantay intoodii badnayd dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Goobjoog News