U bood dhigaalka

Qoorqoor oo Qabanaya Shir uu Ku Guuldareystay Farmaajo Labo Sano

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Galmudug  Axmed Kaariye Qoorqoor oo haatan xafiiska jooga wax kayar 5 bilood ayaa maanta qabanaya shir ay ka soo qeyb galayaan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada, iyada oo looga arrinsanayo geedi-u-socodka Soomaaliya oo dhinacyo badan leh.

Shirkan ka furmi-doona xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in ay isugu yimaadaan madaxweyeyaasha dowlad goboleedka Jubbalad Axmed Madoobe, Koonfur galbeed Cabdicasis Laftagareen, Hirshabelle Maxamed Waare, Galmudug Axmed Qoorqooq iyo Puntland Saciid Deni.

Ilo ku dhow shirka ayaa Goobjoog News u sheegay in looga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo qaar kale, waxaana lagu  jiheyn-doonaa hilinka siyaasadda iyada oo lagu wado in laga soo saaro road-map ku saabsan doorashada 2020/2021, amniga dalka, federalism-ka, maqaamka Banaadir iyo arrimo kale.

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tan iyo 2018-kii waxaa uu dhowr jeer isku dayey kulminta madaxda dowlad goboleedyada laakin waa uu ku guuldareystay arrintaas oo dib u dhac u keentay in la sii ambaqaado wixii lagu heshiiyey Baydhabo ee amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo qaar kale.

Wararka Shirka, Isha aad kala socon-doontaa waa Goobjoog

Goobjoog News