U bood dhigaalka

QoorQoor Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Daraawiishta Galmudug

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye  Qoorqoor, ayaa tababar u soo xiray ciidamo ka mid noqonaya kuwa Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo tababar muddo ku qaadanayay Xerada Tababarada  Dhaan-karoone ee duleedka magaalada Galinsoor.

Ciidamadaan ayaa noqonaya dufcadii sedexaad oo soo qalinjabisay kadib tababar socday muddo dhowr bilood ah.
Dufcaddan tababarka loo soo xiray ayaana ku biiri doono ciidamada Daraawiishta Galmudug ee howl-galada ka wada deeganada Maamulkaas .

Madaxweeynaha Galmudug ayaana kula Dardaarmay ciidamada in ay howlaha loo igmaday ay u gutaan si hufan.

Ciidamada Maamulka Galmudug ayaana muddooyinkii u danbeyay bilaabay howl galo ka dhan ah Al-shabab kadib falal amaanka liddi ku ah oo Bilooyinkii u danbeyay ka dhacayay deeganada Maamulkaas .