U bood dhigaalka

Qoraaga Nuuradiin Faarax oo bixiyey waraysi xiiso badan

Sheeko:Dalka
Qoraaga Nuuradiin Faarax
Qoraaga Nuuradiin Faarax

Qoraaga Soomaaliyeed Nuuradiin Faarax ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay wargeyska New York Times, bogga Goobjoog News ayaa soo turjumey waraysiga

Kuwee ka mid ah buugaagta aad habeenkii akhrisid?

Waxaan heystaa buugaagta kala ah “Shame” ee uu qorey Salman Rushdie iyo “Snow on the Cedars” ee uu qorey David Guterson, sababtoo ah waxaan hada ka dhigaa mac-hadka Bard ee New York.

Buugee ahaa kii ugu dambeeyey ee ugu muhiimsanaa ee aad akhrisey?

Waxaan kol dhow dib u akhriyey buugga weyn ee magaciisu yahay “In the Castle of My Skin” , run ahaantiina aniga iyo nin saaxiibkeey ah waxaan isku diyaarineyney in aan waraysano qoraaga buugaasi George Lamming oo ku sugan jasiirada Barbados ee badweynta Atlantikada ku taala, anagoo waraysigaasi u isticmaali doona mashruuc la xiriira culuumta Afrika iyo wadamada Carribean-ka.

Waa ayo qoraaga aad ugu jeceshahay intii aad jirtey? Qoraagee ayaadse ugu jeceshahay kuwa maanta wax qora?

Qoraaga aan ugu jeclahay intii aan noolaa waa James Joyce, kan aan ugu jeclahay kuwa maanta wax qorana waxaan ka baqayaa in aanan kaasi kuu sheegi karin kan uu yahay.

Hooyadaa waxa ay ahayd gabyaa. Ma waxa aad kusoo kortey adiga oo gabayo akhriya, mana akhrisaa illaa maanta? Kuwee ayaadse ugu jeceshahay dadka gabya?

Maya, ma aanan soo korin aniga oo gabay akhrinaya. Hase yeeshee, in badan ayaan dhagaystey gabayo Soomaaliyeed oo afka laga marinayo, aad ayay ii farax galin jirtey dhagaysigooda iyo barashadooda. Markii aan ilmaha ahaa waxaan dhegta u raaricin jirey hooyadeey marka ay curineyso gabayada.

Kee ayaad ugu jeceshahay qorayaasha Soomaalida?

Waxaan aad u taageeraa, kana helaa labo qoraa oo Soomaaliyeed oo kala ah Cabdiraxmaan Waaberi oo reer Jabuuti ah kaasi oo wax ku qora afka Faransiiska, iyo Cristina Ali Farah oo reer Muqdisho ah oo wax ku qorta afka Talyaaniga.

Waa kuwee buugaagta ugu wanaagsan Soomaaliya?

Buugga ugu wanaagsan ee dhacdooyinkii dhawaa ee Soomaaliya laga qorey shaki la’aan waa “Clan Cleansing in Somalia” oo uu qorey Lidwien Kapteijns, waa buug ay tahay in uu akhriyo qof kasta oo doonaya in uu wax ka ogaado dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya.

Intii aad kusoo barbaareysey Soomaaliya iyo Itoobiya, akhriste noocee ah ayaad ahayd? Kuwee ayaadse ugu jecleyd buugaagta caruurta ama sheekooyinka carruurta?

Aad uma ahayn akhriste wanaagsan,. Kaliya ma ahayn in buugaagta ay aad u adkeyd in laga helo gudaha Ogaden, halkaasi oo aan kusoo korey, ee maba jirin wax buugaag ah oo carruurta loogu talo galay iyo waliba dadka waaweyn toona xiligaas, sidaasi darteed waxaan uun akhrin jirey wixii aan helo. Sidaasi darteed waxaan akhriyey, dibna u akhriyey marar badan buuga “Kun iyo Koow Habeen” “Alfa Leyl, Wa Leyl”. Sidoo kale waxaan akhriyey buugaagta kala ah Victor Hugo iyo Dostoyevsky kuwaasi oo afka Carabiga kaliya ku qornaa, waxaanan oga mahadcelinayaa walaalkeey iga weynaa oo i siiyey buugaagtaasi iyo kuwa kale oo duugoobey oo English ku qornaa, waxaa ka mid ahaa buugaagta ay kala qoreen qorayaasha kala ah Agatha Christie and Hemingway.

Haddii ay noqoto in aad sheegto magac buug aad dhihi karto waxa uu kaa dhigey qofka aad maanta tahay, waa kee buugaasi?

Waxaan dhihi lahaa buugga uu qorey Henrik Ibsen ee magaciisu yahay “A Doll’s House” kaasi oo aan akhriyey isla markii aan bilaabayay qorista buugeeygii koowaad, sidoo kale buuga magaciisu yahay “From a Crooked Rid” ayaa iga dhigey qoraa, qofka aan maanta ahay.

Ma jiraa buug aad dhihi karto adiga oo akhriste waa uu ku hagi karaa? Nooc ka mid ah sheekooyinka oo aad si fiican u dhugato?

Ma jiro buugaag i hagi karo akhriste ahaan, sababtoo ah waxaan waxaan aad u tixgalinayaa dadaalka ku baxa in la qoro buug, waxaan rumeysnahay in dhamaan sheekooyinka ay tahay in la tixgaliyo.

Haddii aad Madaxweyne ka dalbi lahaa in uu buug akhriyo, keebuu noqon lahaa buugaasi?

Haddii aan joogi lahaa boos aan sidaasi samayn karo, qof kasta oo siyaasi ah oo Soomaali ah waxaan ku qasbi lahaa in ay akhriyaan buugga ah “Calan Cleansing in Somalia” ee ay qortey Lidwien Kapteihns.

Haddii ay noqoto in aad la kulanto mid ka mid ah qorayaasha mid dhintey ama nool, keebuu ahaan lahaa qoraagaasi, oo aad jeceshahay la kulankiisa?

Haddii ay ii suurogalayso, qofkaasi wuxuu noqon lahaa C.L.R James, sababtoo ah waxaan gafay fursadii koowaad, eena ahayd mida kaliya ee aan ku halay in aan la casheeyo sanado yar uun ka hor intii uusan geeriyoonin.

Waxaad qorsheyneysaa in aad dhigto xaflad casho ah oo qoraalka ku saabsan, waa kuwee sedexda qoraa ee cashadaasi aad ku casuumtey?

Waxaan casuumi lahaa saaxiibadayda wanaagsan ee kala ah Aleksandar Hemon, Ilija Trojanow iyo Walter Mosley.

Ma xusuusataa buuggii ugu dambeeyey ee aad iska dhigtey adiga oo aanan dhamaynin akhrintiisa?

Aniga oo xubin ka ah bahda wax qorta, waxay igu tahay kasmo daro in aan sheego magacyada buugaagta aan iska dhigey aniga oo aanan dhamaynin akhrintiisa.

Ma jiraa buug aad jeclaan lahayd in uu qof kale qoro?

Waxaan markasta jeclahay in la qoro buugaagta aniga ii suurogali waayay in aan qoro.

Buugaagta aad qortey keebaad ugu jeceshahay, kuuguna muhiimsan?

Hadba buugga ugu dambeeya markaas ee aan daabacay ayaa ah kan aan ugu jeclahay, illaa inta aan ka qorayo kan xiga.

Qofkee ayaad jeclaan lahayd in uu qoro taariikh nololeedkaada?

Ma hubo in taariikh nololeedkeyga ay tahay moowduuc xiiso badan oo wax laga qoro

Buuggee ayaad ka xishootaa in aadan wali akhrinin?

Waxaan jeclaan lahaa in aan akhriyo buugaagta adduunka ugu waaweyn

Buuggee ayaad qorsheyneysaa in aad akhriso ee kuu xiga?

Waxaan qorsheynayaa in aan akhriyo buugga lagu magacaabo “Smilla’s Sense of Snow” ee uu qorey Peter Hoeg iyo buugga magaciisu yahay “The Circle of Reasons” ee uu qorey Amitav Ghosh, labadani buug ayaan mac-hadka ka dhigi doonaa todobaadyada soo socda.

FG : Waraysigani wuxuu kusoo baxay wargeyska New York Times

Goobjoog News