U bood dhigaalka

Qori Tuur Loo Sameeyay Dugsiyada Sare Ee Ka Qeybgalaya Tartan Aqooneedka Bisha Ramadan Ee Goobjoog

Sheeko:Dalka

Goobjoog Media Group ayaa waxay qabaneysaa tartan aqooneed lagu maamuusayo bisha barakeysan ee Ramadaan.

Munaasabadda qori tuurka tartanka ayaa maanta dhacday, waxaana kasoo qeybgalay maamullada dugsiyada sare ee gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta Jaamacadda SIU, sidoo kale waxaa kasoo qeyb galay munaasabaddaan qori tuurka ahayd Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantooba.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha guud ee Goobjoog Media Group, Xassan Maxamed Maxamuud oo sheegay in tartankani uu yahay mid dhammaan ardayda gobolka Banaadir ay ku kala faa’ideysan doonaan, sidoo kale waxa uu tilmaamay inay isku baranayaan tartankaan aradeyda ku nool degmooyinka kala gedisan ee Banaadir.

“Waxaad noqoteen dad ku tartama waxa wanaagsan, waxaa jira kuwo badan oo doonaya inay ku tartamaan waxyaabaha aan wanaagsaneyn, Goobjoog dhaqamadeeda waxaa ka mida inay qabato tartamada mana ahan kii ugu horreeyay oo ay qabanayso “.

Dhanka kale guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo ayaa asna ka hadlay goobta isagoo tilmaamay inuu dhiiro galinayo bahda waxbarashada guddoomiyaha ayaa waxa ballanqaaday in Iskuullada ku soo baxa tartanka Kaalimaha hore ay abaalmarinno siin doonaan.

“Waxaan ugu horreyn salaamayaa macalimiinta aradayda oo ka soo shaqeeyay barnaamijkaan quruxda badan aad ayaan ugu faraxsanahay inay noqoto Jaamacadii koowaad oo aan booqdo SIU waxaan bogaadinayaa bahada waxbarashada waxaana muhiimadda koowaad siin doonaa waxbarashada”.

Tartankaan ayaa waxaa ka qeyb gali doono 32 Iskuul oo ku yaallo gobolka Banaadir waxaana taabo galinaya Jaamacadda SIU iyadoo warbaahinta Goobjoog Media Group ay tabin doonto .

Haddaba hoos ka aqriso Jadwalka Tartanka iyo isku aadka dugsiyada.

Is aragga koobaad ee Tartanka

GA. Cilmi College iyo Al-imaamu muzamil Isniinta1
GB. Kulmis iyo Al qalam Isniinta2.
GC. Al-nashaad iyo Al- qaliil Talaado 1.
GD.Carafaad iyo Jowhar Talaado2.
GE. Golobl iyo Iftiin Arbaco 1.
GF.Soyaal iyo galobal arjantiin Arbaco 2.
GG. Kulmiye iyo Tayo Khamiis 1.
GH. Sh. Daa,uud iyo Daruraxmaan Khamiis2.
GI. Rajab iyo Al-ma’aarib Jimacah 1.
Gj. Al-ixsan iyo Jabir binuxayaat jamcaha2.
Gk. Atlantic iyo Somaliya Sabtiga1.
Gl. Halane iyo Horyaal Sabtiga 2.
Gm. Horseed iyo Imaamu maalik Axad 1.
GN. Golis iyo Al- njax Axad2.
Gd. Sidii iyo Saciid binu cumar Isniin 1.
Gp. Shi Cabdul xafiid iyo Al-kowsar Isniin2.

IMG_5464 IMG_5465 IMG_5466 IMG_5467 IMG_5469 IMG_5470 IMG_5478 IMG_5479 IMG_5482 IMG_5488 IMG_5490 IMG_5495 IMG_5498 IMG_5500 IMG_5502 IMG_5507 IMG_5516 IMG_5517 IMG_5518 IMG_5519 IMG_5520 IMG_5521 IMG_5523 IMG_5525 IMG_5527 IMG_5528 IMG_5529 IMG_5530 IMG_5531 IMG_5532 IMG_5534 IMG_5535 IMG_5537 IMG_5538 IMG_5539 IMG_5540 IMG_5541 IMG_5542 IMG_5543 IMG_5544 IMG_5545 IMG_5546 IMG_5549 IMG_5550 IMG_5551