Qormooyin

QORMADA CARTE: Isbadelka Nolosha…Guriga Caarada

Waxa aan halkii ka sii wadan doonaa qormooyinkii ku saabsana sidii aan Isbedel taban ugu sameyn lahayn Nolosheena. Intiinii hore u la socotay, waxa aan qormadii hore kaga hadalnay isbedelka qofku isku samayn karo. Qormadanna waxa aan kaga hadli doonaa isbedelka wada noolaanshuhu qoyska u leeyahay horrumarka bulshada. Sida aan ogsoon nahay qoysku waa halka laga soo unko bulshu fayow. Qoys kastaaba waxa uu ku nool yahay guri. Gurina waa in uu noqdaa hoy aad roobka, qoraxda, dabaysha, kulaylka, qabowga ka dugsan kartid kuna dheehan yihiin raxmad, maxaba iyo ixtiraam.

Hadaba qormadan waxa aan kaga hadli doonaa Guriga Caarada. Waxa laga yaaba in akhristuhu is waydiiyo tolow muxuu u jeedaa ee uu u soo qaatay sheekadan uu kaga hadlayo guriga caarada. Illaahay Subxaana wa Tacaallaa, waxa uu Qur’aanka Kariimka ah inoogu sheegay qisaas iyo tusaalooyin ay tahay in aan ku cibro qaadano aadna u dhuguno si aan lababa u fahamno. Marka hore in aan cadamada Rabbi qirno gudanana Xaqqa Illahay inagu leeyahay. Marka xigta in la waanaajiyo wada-noolaashaha bulshada dhexdeeda oo is-qadarini ay ka dhaxayso.

Aroor dhawayd aniga oo akhriyeya Suurat Al Cankabuut ayaa waxa i soo jiitay is-barbar dhigga Illaahay Subxaana wa Tacaala ku sameeyey Guriga Caarada iyo dadka Illaahay shariiga u yeela. Waxaanu Allah (Subxaana wa Tacaala) yidhi:

{مَثَلُ الَّذِينَ اتَّخَذُوا مِن دُونِ اللَّهِ أَوْلِيَاء كَمَثَلِ الْعَنكَبُوتِ اتَّخَذَتْ بَيْتًا وَإِنَّ أَوْهَنَ الْبُيُوتِ لَبَيْتُ الْعَنكَبُوتِ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ}  (29:41)

(Kuwa Allah qayrkii caabuda waa sida Caarada dhisata guri, run ahaan guri oo dhan waxa ugu daciifsan kan caarada, waa haddii ay garanayaan).

Waxa aan isla markiiba u dhaqaaqay dhinacaa iyo in aan daalacdo Tafsiirada kala duwan iyo qawlkii Culimada. Khayr Allah ha siiye Culimadii waaweynayd ee ina soo gaadhsiisay Diinta badankoodu sharaxa ay ka bixiyeen wuxu inta badan ka hadlayaa oo xoogga saareen fasiraadda dhinaca shirkiga kama ay hadal nooca uu yahay guriga caaradu. Maadaama aanay haysan  iktishaaf ama badhista cilmi ee lagu sameeyey guriga caarada iyo nooca uu yahay iyo cilmigan oo soo if-baxay 100kii sano ee ugu dambeeyey, kadib markii ay boqolaal Saynisyahanno u kuurgaleen si ay wax uga ogaadaan.

Waxa iyana cajiib ah, in Aayaddu tilmaamayso Caarada teeda dhidig. Ilaa iyo dhawaanahan ka hor lama ogaan in caarada dhedig tahay ta iyadu dhista guriga oo xuubka ay ku dhisto yahay shay ka soo baxa caloosheeda. Mukhluuqaadka oo dhan waxa ay gurigooda ka dhisaan walxo dhulka korkiisa laga helo caarada ma ahe. Xuubkan waa dun xariir ah weliba nooca xariirta ugu wanaagsan oo ay isku toshay ayey guriga ka dhisataa. Farsamada iyo dhismaha caaradu ku taagto gurigeeda waa handasada nooca ugu sareeysa. Waxay saynisyahannadu noo sheegeen haddii caaradu qof le’ekaan lahayd waxa ay dhisi lahayd xuub gaadhaya 150 meter. Marka la eego xoogga iyo quwadda duntaas waxa laga yaabi lahaa in diyaarad duulaysa ay qaban kari lahayd.

Culimadu waxa ay inoo sheegeen, haddii guriga caarada loo ictibaaro dabin ay ku ugaadhsato, sida ay qolooyinka saynisku qabaan, Aayaddu sax ma noqoteen. Laakiin waxa dhab ah in aanu dabin ahyan ee uu maskan iyo hoy u yahay. Gurigeeduna ma laha khusuusiyaadkii guri lahaa oo waa guri dabaysha, qoraxda iyo wax kastaaba burburiyaan. Sidaas ayuu Illaahay ugu shabbahay kuwa asnaamta Illaahayo ka dhigta. Aniga oo runtii faham dheeraad ka helay aqwaashii kala duwanayd ee Culimadu ka bixiyeen sharaxa Aayaddan, ayaa waxa aan subax dhawayd daawaday inan yar oo Muslimad ah oo dalalkaa reer Galbeedka ah ku kortay kuna nool. Waxa aad ii soo jiidatay sida ay u macnaysay ee ay uga hadashay sharaxa Aayadan. Inantaa hadalkeedii wuxu dib ii soo xasuusiyey duruustii Zoology ee Sayniska, markii aan Dugsiga Sare ku jirnay ee la noo dhigi jiray xasharaadka oo Caaraduna ka mid ahayd. Weliba sida Caarada Madow (Black Spider) ay ninkeeda u cunto marka uu u tago kadib. Markii aan u sii kuurgalay ee aan raadiyey macluumaad kale oo dheeraad ah waxa ii soo baxay faham aan la tacajabay oo aan jeclaystay in aan idinkana idin la wadaago.

Marka matal ama tusaale aan ku aragno Qur’aanka, wuxu Illaahay Subxaana wa Tacaalaa rabaa in uu wax inaga qarsoon inoo ifiyo, ama inaga daboolnaa inoo bayaamiyo ama hadal sarbeeb ah inoo kala caddeeyo. Matalkan ama is-barbardhiggan guriga caarada iyo kuwa asnaamta caabuda maxay iska shabbahaan? Guriga caaradu marka aad dusha ka aragtid waa guri xuub ka sameysan oo roob, qorax, dabayl, qabow, kulayl midna aanad ka dugsan karin. Waa guri ka caagan is-raaligelin iyo kalgacal oo aasaas u ah dhismaha qoys. Waa guri hooyadu cunto aabaha marka uu u tago kuna nasan karin oo uu naftiisa la baxsado si aan loo cunin. Waa guri hooyadu cunto caruurteeda, carurrtuna is cunaan. Inta ka badbaaddana ay ugu dambaynta hooyadood cunaan. Waa guri diiq ah oo aan masaaxad ku filan lahayn oo ay ku wada noolaan karaan oo aabo/hooyo/caruur iska wada takhlusayaan oo u wada baratamayaan masaaxadda yar. Waa guri ka caagan wada-noolashaha jinsiga, mana aha hoy lagu nasto ama lagu raaxaysto waana meel socotada iyo martidaba lagu cuno.

Sidaa darteed dadka Illaah aan Allah ahayn Illaah ka dhigtaa waa kuwa sida gurigaa caarada aan helayn meel ay ku nastaan ama ku raaxaystaan if iyo aakhiraba. Culimadu markii ay sharxayeen Aayaddan, waxa ay sheegeen qofku marka uu wanaangsan yahay Illaahay matal wanaagsan ayuu ku soo qaata. Marka qofku Illaahii weynaa cibaadadiisii ka tago oo caabuda qayrkii wuxu Illaahay u soo qaataa matal xun sida kan guriga caarada oo ah guri lagu ba’ay ah.

Tafsiiradii kala duwanaa iyo fahamkii guud waxa iiga soo baxay muhimadda qoysku u leeyahay nolosha iyo in aanay guryaheennu noqon sida guriga caarada, guri aan Tawxiidka laga aaminsanayn. Illaahay Subxaana wa Tacaala, wuxu inoo dooray Islam

{الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الإِسْلاَمَ دِينًا} (5:3)

Waa in kalgacal iyo muxubo qoysku ku wada noolaado sida Illahay Aayddan hoose inoogu sheegay.

{وَمِنْ آيَاتِهِ أَنْ خَلَقَ لَكُم مِّنْ أَنفُسِكُمْ أَزْوَاجًا لِّتَسْكُنُوا إِلَيْهَا وَجَعَلَ بَيْنَكُم مَّوَدَّةً وَرَحْمَةً إِنَّ فِي ذَلِكَ لَآيَاتٍ لِّقَوْمٍ يَتَفَكَّرُونَ} (30:21)

Waxa la rabaa in abbuhu qaato doorkiisii in uu yahay taliyaha guud ee qoyska, hooyadu qaadato doorkeeda ah in ay tahay taliyaha arrimaha gudaha ah ee qoyska. Caruurtu baari u noqdaan waalidkood oo u arkaan adeega ay u adeegayaan waalidkood waajib diini ah. Waalidku caruurta u duceeyaan, caruurtu waalidka u duceeyso, jacayl iyo isu soo hiloow noqoto nolosha ay ku wada nool yihiin.

Guriga wanaagsan waa aasaaska nolosha iyo horrumarka bulshada. Waxa aan rabnaa guri waalidku ku soo koriyaan curruurtooda kala-danbayn, is-tixgelin, is-karaamayn maxaba, raxmad iyo caddaalad oo aan loo kala eexan. Si marka uu qofku bulshada dhex-galo kula noolaadaa macaamil wanaagsan oo wax-tar u leh bulshada oo dhan. Wax-tarkaas oo saameyn ku yeelanaya sidii bulshadu u heli lahayd – Madax amaano iyo hoggaamin leh, Garsoor caddaalad wax ku xukuma, Macaalin ku-dayashada mudan, Dhakhtar daryeela bukaanka, Askari waddani ah, farsamayaqaan daacad ah, iyo ganacsade ka daacad ah ganacsigiisa.

Haddii kale qofku wuxu noqonayaa mid ka yimid guri la mida ka caarada oo kale. Qofkaasi wuxu bulshada dhexdeeda kula noolaanayaa sidii qof dab iyo baansiin gacmaha ku sita oo cid kasta oo uu la macaamilana gubaya. Qof kaas waa qof Allah ka cabsigu ku yar yahay xataa haddi uu cibaadaadkii la yimaaddo haddana wax-is-daba-marinta iyo ku-jiqsiinta ayuu u arkaa in uu ku faa’idayo.

Hadaba aan bishan Ramadan uga faa’daysanno sidii aan isbedel dhab ah ula iman lahayn oo guryaheenna ka ilaalino in ay noqdaan ka caarada oo kale. Kana dhigno guri Illaahay lagu weyneeyo oo lagu cibaadaysto lagagana dhaqmo camalka kiisa wanaagsan. Marka guryaheennu u bataan guryo wanaagsan waxa ay isbedel la taaban karo ku sameynaysaa bulshadeena. Allah ha inaga yeelo kuwa khayrka u shaqeeya kana hortaga wax kasta oo shar ah. Soom Maqbuul wa danban maqfuur. Allahuma Aamiin.

Waxaa Qoray:- Xildhibaan Maxamed Cumar Carte, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenkii Xukuumadii hore.

Qoraallo Hore:

Halkan Riix Oo Akhriso: Qormadii hore ee qoraaga

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Si, Goobjoog News u soo daabacdo fakirkaaga…..fadlan ku soo dir; info@goobjoog.com

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close