Qormo: Khilaafka Kasoo Cusboonaaday Golaha Shacabka

Tan iyo markii la unkay Jamhuuriyaddii Soomaaliya,  waxaa ay yeelatey 10 baarlamaan iyo 16 guddoomiye. Baarlamanka shaqadiisa waxa ugu muhimsan afar: inuu matalo degaanka laga soo doortey; in uu dejiyo shuruucda dalka; inuu la socodo howlaha xukuumadda; iyo dhameystirka dastuurka. Intaa waxaa u dheer nidaamka Federaalka oo ku cusub dalka iyo shuruucdiisa dhaqan gelintooda, inuu ka shaqeeyo dib u heshiisiinta iyo kalsooni dhisidda umadda dhexdeeda.

18 sano ayaa ka soo wareegatey aasaaskii baarlamaankii Soomaaliya burburka kadib. Baarlamaannadii ka horreeyay baarlamaankii 9-aad uma nidaamsaneyn hab baarlamaan. Waxaa loo sababeeyaa qeybsanaan baarlamaanka u dhexeesey iyo faragelin xukuumadda ku lahayd.

Baarlamaankii 9-aad wuxuu aasaaska u dhigay heykalkii golihii sharci-dejinta ku howl gali lahaayeen. Wuxuuna ahaa golihii ugu horeeyey ee la dhameystay gudoonkooda ee aan beddelin. Muddaddii afarta sano ahayd ee uu shaqeynayay baarlamaanka 9-aad waxaa uu qabsoomey in ay curiyaan in ka badan 30 sharci. Waxaa uu soo saaray 42 qaraar. Wuxuu ansixiyay 6 heshiisyo caalami ah, wuxuuna gaarey 9 go’aan. Inkastoo labo mid ah ay ahaayeen kalsooni lakala noqdey labo ra’iisul wasaare, 21 sharci ayuu ansixiyay baarlamaanka 9-aad halka ku dhowaad 10 sharci oo ku jiray akhriskii ugu dambeeyey una soo gudbey baarlamaanka 10-aad.

Baarlamaanka 9-aad ayaa howl aad u baaxad wayn ka qabtey kuna bixiyey juhdi iyo dadaal faro badan dib-u-eegista dastuurka, waxayna ka saareen humaag tiro badnaa iyo madmadow u baahnaa turxaan bixin oo Soomaali badankeedna shaki ka qabay dastuurka qabya ah. Baarlamaanka ayaa iska leh masuuliyadda uga wayn ee qabyo tirka iyo sixid in lagu sameeyo dastuurka.

Howshan baaxadda leh waxaa loo tiiriyaa in ay ku qabsoomtay gudoonka baarlamaanka oo uu oday u ahaa Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Guddoonka keliya kuma uusan guuleysan in ay shaqo qabtaan waxay ku guuleysteen dhowridda hanaanka sharcidejinta iyo bed-qabka heykalka baarlamaanka. gudoonkii baarlamaanka 9-aad waxay kaalin mug leh ka muujiyeen isu soo dhoweynta ummadda iyo xalinta khilaafyo siyaasadeed. Guddoomiye Jawaari wuxuu noqdey guddoomiyaha keliya ee dhameystey muddo xilleedkiisa lana doortey labo xilli isku xigto burburka kadib.

Mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari ayaa loo gudibyey guddoomiye ku xigeenka kowaad 14-kii Maarso. Isla maalintii shir ay yeesheen guddiyadda joogta waxaa ka soo baxay go’aan tilmaamaya in aanu ansax ahayn mooshinkaas. Habenimaddii isla 14-kii Maarso, gudoomiye ku xigeenka wuxuu ku yiri shir jaraa’id “yaa dadka la jahwareerin mooshinkana waa ansax waxaa la geynayaa golaha shacabka”. Durba Baarlamaanka ayaa ku kala qeybsamey.

16-ka Maarso Villa Hargeysa waxaa kulan xog-wareysi ah ku yeeshey xildhibaano xaqiiq raadis ah oo warbixin kaga dhageystay guddiyaddi xaadirey kulankii 14-ka Maarso ee lagu go’aamiyey in aanu ansax ahayn mooshinka, iyo qaar ka tirsan xildhibaanno ka laabtey mooshinkii iyo sababihii keeney ka laabashadodoa. Intaa waxaa barbar socday ciidamo xukuumadda soo amartey oo la dul dhigay golaha shacabka.

Guddoomiye Jawaari ayaa shir jaraa’id ku sheegay in aanan la burburin aasaaska dowladnimda, wuxuuna sheegey arrintan in ay tahay xad-gudub iyo weerar lagu soo qaadey golaha sharcidejinta kuna eedeeyey ra’iisul wasaaraha.

Arrintan ayaa curiyaamin karta howlaha sharci-dejinta iyo habsami socodka gudashada howlaha waajibaadka xildhibaannada. Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha calaamka ayaa walaac ka muujiyey xiisadahan iyo khilaafka cirka isku shareerey.

Dib u soo kabashada dowlanimada waxay ku timid nabadoonnimo, isu tanaasul, isku qancin siyaasadeed si loo gaaro siyaasad xasiloon. Waa in la ixtiraamaa dastuurka dalka uu leeyahay iyo xeer hoosaadka golaha shacabka. Waa in xildhibaanada u hogaansamaan xeerarka iyo shuruucda dalka u degsan, si loo dhameeyo xiisadan ka dhex aloolsan baarlamaanka iyo xukuumadda.

Waxaa qumman in Madaxwaynaha dalka oo ah astaanta iyo ilaaliyaha dowladnmada Soomaaliya soo farageliyo uusanna ka aamusanaan si uu uga badbaadiyo dalka dib-u-dhac kale iyo in laga baaqsado wixii qarannimadda horey u dumiyey.

W/Q : Cabdiraxin Adam

Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW