U bood dhigaalka

Qoysas Barakac ka ah dagaalada ka socda deegaano ka mid ah Jubada Hoose oo Kismaayo soo gaaray (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa soo gaaray shacab badan oo kasoo barakacay deegaano ka mid ah gobalka Jubada Hoose, gaar ahaan deegaanada kala ah Buulo Gaduud, Jilib, Jamaame, Kabsuuma iyo deegaano kale oo qaarkood dagaalo ay ka dhaceen iyo ay ku wajahan yihiin ciidamada is garabsanaaya.

Dadkaan qaarkood oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay lasoo kulmeen tan iyo intii ay Kismaayo kusoo wajahnaayeen, waxaana dhanka kale ay ku baaqeen in dib u dejin loo sameeyo.

Dhanka kale maamulka KMG ee Jubba ayaa ka bilaabay magaalada Kismaayo dib u dejinta loo sameynayo dadkaan Barakacayaasha ah ee Naftooda lasoo baxsaday, iyadoo dadka ay ka muuqato xaalad adag.

Kismaayo waxaa soo gaaraya barakacayaal aad u badan, waxaana dadka ay ka imaanayaa deegaanadii ciidamada maamulka KMG ee Jubba iyo kuwa AMISOM dhawaan ay u dhaqaaqeen, iyo sidoo kale deegaanadii lagu dagaalamay.

Halkaan hoose ka dhageyso Warkaan oo maqal ah iyo Wariyaheena Mascuud.

Goobjoog Fm