U bood dhigaalka

Qoysas barakacayaal ah oo gaaray degmada Balanballe

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in degmadaasi ay soo gaareen qoysas hor leh oo ka soo cararay goobaha fog fog ee abaaruhu ay ka jiraan.

Guddoomiyaha degmada Balanballe Hareeri Xasan Barre ayaa u sheegay Goobjoog FM in qoysaskan degmada ay soo gaareen labadii maalin ee la soo dhaafay.

Qaylo dhaanta xaga biyaha ayuu sheegay guddoomiyaha degmadaasi in ay ka taagan tahay deegaanada ku hareereysan degmadaasi.

Ugu dambeyntii Hareeri Xasan Barre ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha sama falka in ay gurmad la soo gaaraan dadka ku tabaaleysan gobolka Galgaduud.

Hoos ka dhageyso codka Hareeri Xasan Barre: