U bood dhigaalka

Qoysas Biyo La’aan Uga Barakacay Deegaanka Lambar 50 Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in qoysas badan oo halkaasi ku dhaqanaa ay biyo la’aan darteed u barakaceen.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada deegaankaasi Cali Nuur Axmed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in deegaanka aan wax biyo ah ka jirin.

Dadka ayuu sheegay in biyo ay u doontaan xero ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin duleedka deegaankaasi.

“Dad badan baa deegaanka ka barakacay, biyo malahan, dadka waxay biyo u raadsadaan xero ay ciidanka AMISOM leeyihiin oo duleedka deegaanka ku taalla” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Cali Nuur ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in gurmad biyo ah lasoo gaarto shacabka kale ee ku haray Lambar 50 si iyaguna aaney u barakicin.

Sababta ugu weyn ee dadka biyo la’aanta dhigtay waxa ay tahay ceelashii shaqeynayey oo cilladoobay iyo qaarkood lagu arkay biyo la’aan.

Goobjoog News