U bood dhigaalka

Qoysas Ka Barakacay Deegaanka Caad Ee Mudug

Sheeko:Amniga

Qoysas badan oo deganaa deegaanka Caad ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa iney isaga barakaceen gudaha deegaankaasi, kadib dagaallo halkaasi ka dhacay.

Dadkan ayaa aaday deegaanno dhowr ah oo ay ka mid tahay degmada Hobyo, waxayna dadkan ka baqeen in waxyeello ay kasoo gaarto dagaalka u dhaxeeya Al-shabaab iyo dadka shacabka ah.

Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in dadka barakacay u badan yihiin haween iyo caruur, iyadoo weli xaaladda deegaanka Caad ay tahay mid aad u kacsan.

Deegaanka Caad ayaa qiyaastii 35-km u jira degmada Xarardheere ee Mudug, iyadoo halkaasi uu ka socdo dagaal culus.

Al-shabaab ayaa isku dayey in dadka ku dhaqan deegaankaasi si xoog ah uga wataan dhallinyaro dhinacooda ka dagaalanta iyo lacag, balse shacab hubkooda qaatay ayaa dagaal ugala hor yimid.

Goobjoog News