U bood dhigaalka

Qoysas ku guryo beelay Roob ka da’ay deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobalka Bakool (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Roob saacado badan ka da’ay Degaano hoostaga DegmadaXudur ee Gobolka Bakool, ayaa sababay in ay ku guryo beelaan qoysas ku nool Degaanadaasi.

Qaar ka mid ah dadkii ku guryo beelay daadkii ka dhashay roobkaan ayaa u sheegay Goobjoog Fm in xaaladooda ay tahay mid liidato, islamarkaana hadda ay yihiin kuwo aan haysan guryo ay ku noolaadaan.

Caruur iyo dad da’ ah ayaa u badan dadka uu saameyay roobkan ka da’ay Degaanada hoos yimaada Degmada Xudur sida uu soo sheegayo Waryiaha Goobjoog Fm ee gobalada Bay iyo Bakool Aadan Geeseey.

Dadkaan ayaa dalbaday in lala soo gaaro kaalmo bini’aadanimo ayna ugu horeyso in loo sameeyo meelo ay degaan, ama ugu yaraan laga caawiyo sidii ay dib guryahooda ugu dhisan lahaayeen.

Halkaan hoose ka dhageyso Warkaan oo maqal ah.

Goobjoog News