U bood dhigaalka

Qoysas Ku Nool Baladweyn oo Ka Cabanaya Daryeel La’aan Maamulka Kaga Timid (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

BaladweynQaar ka mid ah qoysaskii kasoo barokacay fatahaadihii ka dhacay magaalada Baladweyne ayaa sheegey in ay aanan lasoo gaarsiinin gargaarkii loogu talogalay barokacayaasha.

Mid ka mid ah dadka barokacay oo magaceeda ku sheegtey Faadumo Xassan, kuna nool xaafadda Xaawo Taako, gaar ahaan xaafadda Xiintooy ayaa sheegtey in guddoomiyaha xaafadaasi uu ka qadiyey wixii gargaar ahaa ee loosoo dhiibey dadkaasi.

“Waxaan ka cabanayaa guddoomiyaha xaafadda Muxumed Faarax, maacuuntii hey’adaha noosoo dhiibeen nama aysan soo gaarsiinin, lacagtii naloosoo dhiibey nama uusan soo gaarsiinin, waxaan rabnaa in nalaga badalo” ayay tiri.

Haween kale oo Goobjoog la hadlay ayaa iyagu jeediyey cabasho la mid ah tan ay jeedisey haweeneydaasi.

 

Dhageyso

Goobjoog News