U bood dhigaalka

Qoysas Ku Nool Magaalada Muqdisho Oo Dalbaday Gurmad Bini’aadannimo

Sheeko:Dalka

Ku dhowaad 150 qoys oo ku nool duleedka magaalada Muqdisho ayaa codsaday in gargaar bini’aadannimo lala soo gaaro.

Qoysaskani oo kasoo barakacay markoodii hore degaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo Muqdisho deris la ah ayaa waxaa hadda ay degaansanayaan duleedka magaaladan Muqdisho.

Hooyooyin kamid ah qoysaskaasi ayaa sheegay inay dalbanayaan gargaar walaalnimo oo loo fidiyo.

Dowladda iyo shacabka ayay si isku mid ah uga codsadeen inay gargaar degdeg ah lasoo gaaraan, waxaana hadda dadkaasi ugu daran raashin iyo caafimaad.

Qaarkood dadkan oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay aad ugu baahnaan lahaayeen inay helaan gurmad degdeg ah maadaama xaaladooda aad u liidato.

Goobjoog News